Shirka IGAD oo Nairobi lagusoo gabo-gabeeyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya- Shirka urur goboleedka IGAD oo looga hadlayay arrimo ay kamid tahay xaaladda abaaraha Somalia iyo qaxootiga ayaa lagusoo gabo-gabeeyay magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya.

Kulankan  oo uu joogay Madaxweynaha Somalia, ayaa diiradda lagusoo saaray sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada ka jirta Somalia iyo guud ahaan bariga Africa, iyadoo aad looga munaaqishooday siyaabaha looga hortagi karo abaaraha soo laab-laabtay.

Khudbad uu ka jeediyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayuu sheegay inay dowladiisa ay dadaal ugu jirto sidii ay u yarayn lahayd dhibaatada amniga, dhaqaale iyo abaareed ee ka jirta dalka.

Wuxuu fariin u diray hay'adaha deeqaha bixiya oo ka codsaday inay ku shaqeeyaan gudaha dalka si looga miro dhaliyo dadaallada socda, isagoo xusay in xukuumaddiisa ay ka go'antahay wax qabad.

“Waan dareensannahay duruufaha amni ee ka jira dalka, laakiin dalka intiisa badan waa nabad. Tijaabooyinkii hore waxaan ka barannay in marka ay hay’adaha ku shaqeeyaan gudaha dalka aad loo dareemo saameyntooda marka loo barbardhigo in ay ku shaqeeyaan meel ka baxsan dalka,”Ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa qiray in xal waara oo loo helo qaxootiga ay u baahantahay in la dejiyo siyaasado lagu hagayo dib u dejinta, guriyeynta iyo isdhexgalka bulshada.

“Ma aha wax sahlan, laakiin waxaan aaminsanahay in aan haysanno fursad aan kaga faa’iideysan karno jawiga wanaagsan ee ay abuurtay doorashadeyda,”Ayuu hadalkiisa raacshay Madaxweynaha Somalia oo wali ku sugan dalka Kenya.

Wuxuu ka mahad-celiayay doorka shariifka ah ee ay qaateen Dalalka Kenya iyo Yemen ee ku aadan ilaalinta qaxootiga iyo marti galinta dadka Somaliyeed.

Madaxda IGAD ee shirka joogtay ayaa soo dhaweeyay dhammaan arrimaha uu ka hadlay Madaxweynaha Somalia, waxayn ballan qaadeen inay dedaal u gali doonaan sidii loo midayn lahaa deeqaha beesha caalamka iyo siyaasadda qaxootiga.

GAROWEONLINE


Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM