Trump oo sixiixay amar cusub oo socdaalka ah

Image

War ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in madaxweyne Trump uu saxiixay amar cusub oo lagu mamnuucay Muslimiinta lix dal.

Xayiraaadda oo la mid ah middii hore waxay dhigeysaa in Muslimiinta dalalka Soomaaliya, Yaman, Suuriya, Sudaan, Liibiya, iyo Iiraan aysan gali karin dalka Mareykanka. Wuxuu diiwaankii hore ka reebay dalka Ciraaq.

Xoghayaha arrimaha gudaha ee Mareykanka ayaa sheegay in amarka cusub ee Madaxweynaha loo dhaqangelin doono si deggan.

John Kelly, wuxuu sheegay in madaxweyne Trump uu doonayo in dadka Mareykanka ay nabad iyo amni ku noolaadaan. Amarka oo dib u eegis lagu sameeyay wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay tan iyo markii midkii hore ay hor istaagtay maxkamad federaal ah. Amarkii hore ee Trump wuxuu mamnuucay inMareykanka ay galaan dadka ka safraya todobo dal oo Muslimiin ah. Wuxuu amarkaasi dhaliyay jahwareer dhanka garoomada diyaaradaha ah, ayadoo dad sitay dal ku gal sax ah dib loo celiyay. Sidoo kale waxa uu sababay in dibad baxyo waaweyn ay ka dhacaan gudaha iyo dibadda Mareykanka.

Maamulka Trump wuxuu ku dooday in amarka uu muhiim yahay si Mareykanka nabad looga dhigo.


Amarka cusub muxuu kaga duwanyahay midkii hore? 

Kaaliyaha Trump, Conway, waxay Fox News u sheegtay in Ciraaq ay suuragal tahay in laga saaro dalalka xayiraadda la saarayo. Balse lixda dal ee kale ee diiwaankii hore ku jiray ee kala ah Soomaaliya, Suuriya, Liibiya, Yaman, Suudaan iyo Iiraan ayaa markale la filayaa in lagu rago xayiraad 90 maalmood ah. Sikastaba, warqad uu qoray Congress-ka oo ay heshay wakaaladda wararka ee AP, waxaa lagu sheegay in amarka cusub uusan saameyn doonin dadka haysta dal ku galka saxda ah.

Conway waxay sidoo kale tilmaamtay in dadka haysto green cardka, ee dalalka la xusay ka soo jeeda uusan saameyn doonin amarka la filayo inuu madaxweynaha saxiixo.

Qaxootiga ayaa sidoo kale la mamnuuci doonaa 120 maalmood, sida ay ku warrantay Reuters. Balse Conway waxay muujisay in qaxootiga Suuriya oo dhan aan la hor istaagi doonin.


Goormuu amarka cusub dhaqangalayaa?

Haa waa suuragal. inaan si degdeg ah loo dhaqangelin waxay caawin kartaa in sharciga lala tiigsado.
Garsoore federaal ah oo diidayay inuu amarkii hore dib uu u soo celiyo, wuxuu ku dooday in dowladda aysan muujinin cadeynta sababta amarka loo soo rogay. Sidoo kale maxkamadda waxay sheegtay in go'aanka uu xannibay awoodda shaqsiga uu ku safri karo. Garsoorayaasha waxay sidookale ogaadeen in "qof ka mid ah qaxooti dalalka la magacaabay uusan dhibaato ka geystay gudaha Mareykanka". Hadaba, amarka cusub waa suuragal inuu la kulmo caqabado dhanka sharciga iyo maxkamadaha ah.

BBC

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM