Uhuru Kenyatta oo ku horeeyaa doorashada, hogaamiyaha mucaardka oo qaadacey

Image

Hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Kenya, Raila Odinga ayaa qaadacay natiijada doorashada, iyadoo weli ay socoto tirinta codadkii la dhiibtay. Raila waxaa uu sheegay in aysan ku qanacsaneyn qaabka ay wax u wadaan guddiga doorashada.

Dhanka kale weli waxaa socda tirinta codadka doorashada Kenya, waxaana codadka horudhaca ee ilaa iyo imika la tiriyay ayaa muujinaya in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku horreeyo boqolkiiba konton iyo shan codadkii la tiriyay. 

Guddiga doorashada waxaa kale oo ay shegeen in la tiriyay sedex meelood labo meel goobihii ay dadka ka dhiibteen codadka. 

Waxaana uu Madaxweyne Uhuru uu ku hogaaminayaa Raila kow iyo toban dhibcood oo ah codadkii la tiriyay.  Sida ay muujinayaan tirooyinka kasoo baxaya xarunta dhexe ee natiijada guddiga doorashooyinka, illaa toban milyan iyo bar cod ayaa la tiriyey marka aan warkan daabacaynay, waxayna labada musharax ee ugu muhiimsan kala heleen, Uhuru oo heysta 55% boqolkiiba, iyo Odinga oo heysta 44%. 

Guddiga doorashada ayaa ku booriyay shacabka inay ka dhowrsugaan natiijada kama dambeysta, waxaana welii guud ahaan dalka Kenya ka socda tirinta codadka doorashada.

Xarunta Bomas ee ay tirinta ka socoto waxaa ku sugan safiirada Maraykanka, UK iyo dalal kale oo aad u danaynaya doorashada Kenya iyo waliba kormeerayaasha. 
Sida weyn ee loogu soo baxay codbixinta doorashada Kenya ayaa ah mid muujinaysa"in dimuqraadiyada Kenya ay qaangaadhay", waxaa sidaasi sheegay afhayeenka dowlada Kenya,Eric Kiraithe.

"Safafka waxay ahaayeen kuwa la yaab leh ,xaqiiqadii Kenyanka aad ayay u soo baxeen si ay u codeeyaan,".ayuu yiri Kiraithe.

Afhayeenka ayaa amaanay saraakiisha guddiga doorashada iyo xuduudadaha(IEBC),oo uu sheegay iney si wanaagsan u qabteen shaqdooda.

Mar uu ka hadlayay dib u dhaca meelaha qaar ee ay sababeen xaaladaha cimilada ,waxa uu sheegay inay dowlada diyaar u tahay in ay gacan siiso guddiga doorashada.

Madaxweynaha oo ku baaqay doorasho nabdoon

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa ku baaqay midnimo, isaga oo sheegay in uu aqbali doono natiijada, kuwa ay is hayaanna wuxuu ugu baaqay in ay sidaas oo kale sameeyaan. Wuxuu sheegay in Kenyanku ay "horay u socdaan iyaga oo hal dal ah".

Safafka dhaadheer ayaa subixii horeba samaysmay, waxaana la soo sheegay in ay dhacday is buurasho aan badnayn.

Kenyatta iyo ninka ay is hayaan ee Raila Odinga, ayaa loo arkaa in ay aad isugu dhaw yihiin.

Inkasta oo mas'uuliyiintu gudiga doorashada ay xaqiijinayaan in doorashadu si cadaalad ah u dhici doonto hadana Raila Odinga ayaa walaac ka muujiyay shakiga laga qabo hufnaanta hanaanka codbixinta ee electronigada.

Todobaaadkii lasoo dhaafay masuul sare oo ka mid ah madaxda gudiga doorashada ayaa la helay meydkiisa iyada oo aan la faahfaain sababaha dhaliyay dilkiisa.

Madaxeynihii hore ee Mareyknakna Barack Obama ayaa sheegay in muran kasta oo ku xeeran doorashada loo xaliyo si nabad ah, iyada oo loo marayo hey'adaha waddanka iyo sharcigaba
Meelaha qaar dadku waxay billabeen inay safka galaan 1-dii habeenimo inkastoo ay codbixinta si rasmi ah u billaabatay 6-dii arroornimo.

Dadka Kenyanka ah ayaa waxa ay u codayn doonaan 6 jago laga soo billaabo madaxwaynaha ilaa golaha wakiilada degmooyinka.

BBC

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM