​Wariye Caan ah oo lagu dilay Pakistan

Image

KARACHI- Wararka aan ka helayno dalka Pakistan gaar ahaan magalada Karachi ayaa sheegay in la dilay Khurram Zaki oo ahaa wariye u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bini-aadanimada islamarkaana u ololeeya dhismaha dalkaasi.

Zaki, ayaa la toogtay xilli uu ka cashaynayay meherad ku dhextaalla magaladaasi, waxaan dilkiisa ka dambeeyay labo ruux oo watay, iyadoo falkaasi sidoo kale si daran loogu dhawacay labo qof oo shacab ah.

Lama garanayo cidda dishay, balse wariyahan caanka ahaa ayaad aad uga soo horjeeday dagaallada ay wadaan kooxa dowladda kasoo horjeeda, wuxuuna had iyo jeer ku dhaleecayn jiray bog uu tifaftire ka haa ahaa oo lagu macagaabo "Aynu dhisno Pakistan".

Ololahiisa ugu dambeeyay ayuu kaga horjeeday kuwa uu ku eedeeyay inay ka kicinayaan naceyb iyo dagaal looga horjeedo Muslimiinta Shiicada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM