Wasiirka Difaaca Mareykanka oo tagay Afghanistan

Image

Xogyahaha difaaca Mareykanka  Jim Mattis  ayaa maanta booqasho aan horey loo shaacin ku tagey magaalada Kabul, ee caasimada dalka Afghanistan.

Booqashada Jim Mattis  ee Afghanistan ayaa ah lugtii ugu dambaysay safarro uu ku marayay maalmihii lasoo dhaafay lix dalka oo Africa iyo Asia ku yaalla.

Mattis  ayaa kula kulmay Madaxtooyada Kabul Madaxweynaha Afghanistan Asharf Ghani  iyo saraakiil kale, oo uu kala hadlay dagaalka lagula jiro Taliban iyo Al Qaacida.

Waxa uu sheegay wasiirku in maamulka Madaxweyne Trump uu qorsheynayo in ciidamo dheeraad ah u diro dalkaasi, si wax looga qabto amniga.

Booqashada  Jim Mattis  ee Afghnaistan ayaa kusoo beegmaysa kadib markii weerar ay Taliban ka fuliyeen magaalada Mazar-i-Sharif  lagu dilay in ka badan 150 askari Jimcihii lasoo dhaafay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM