Weerar ka dhacay afaafka hore xarunta Barlamanka Britain

Image

LONDON, Britain- Rasaas xoog leh ayaa goordhaweyd ka dhacday afaafka hore xarunta Barlamanka Ingiriiska ee magaalada London.

Warar hordhac ah oo soo gaaraya GO, ayaa sheegaya inay dhaawacmeen ilaa 12 qof kuwaasoo ku sugnaa goobta uu weerarku ka dhacay.

Majirto ilaa hadda cid faah faahin ka bixisay dhacadadan, balse waxaa goobta gaaray booliis aad u badan oo isku geedaamay dhismaha golaha Barlamanka.

Dhismaha Barlamanka ee Westminster, waxaa ka socda kulan Xildhibaanada la haayeen, iyadoo Ra'isal wasaaraha dalkaas oo goobta joogayna loo qaadya meel ammaan ah shaqaaqada ka dib.

Saraakiil katirsan Booliiska ayaa warbaahinta Britain, waxay u sheegeen in kiiskan aysan kala cadayn karin inuu yahay mid si caadi ah u dhacay iyo inuu xiriir la leeyahay falalka kooxaha Arga-gixisada.

Mid kamid ah ciidamada Booliiska dalkaas ayaa goobta lagu tooreeyay, inkastoo ruuxii falkaas gaystay ay dileen ciidamadu.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad dhaawcmay oo gargaar deg deg ah lagu siinayo goobta.

Warbaahinta qaarkeed waxay daabacday in arrintan timid kadib markii uu halkaas ka dhacay shil-baabuur.

Waaxda maamusha gaadiidka dadweynaha London ayaa sheegtay in boolisku uu ka dalbaday in la xiro boosteejada tareenka laga raaco ee ku taalla agagaarka dhismaha Westminster.

Arrintan ayaa timid xilli cabsi xoog leh Booliiska Britain ka qabaan weeraro uga yimaada Argagixisada.

GAROWEONLINE


Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM