​Wiilka uu soddogga u yahay Trump oo beeniyay inuu xiriir la leeyahay Ruushka

Image

Jared Kushner ayaa hor tagaya guddi ka tirsan Senet-ka oo baaraya inuu ka mid yahay koox ka tirsanayd ololihii Trump oo Ruushka wax la maleegtay si Trump uu u guulaysto.

Kushner wuxuu sheegay inuusan samayn xiriir aan haboonayn, oo uusan ku tiirsanayn dhaqaale Ruushka ka yimid oo lagu maalgeliyey hawlihiisa ganacsiga.

Wuxuu sii daayey hadalkiisa furitaanka ka hor kulanka uu guddiga la yeelanayo. Senetka, aqalka cad iyo guddi gaar ayaa intaba baaraya faragelinta Ruushka ee doorashada.

Mr Kushner oo 36 jir ah wuxuu la taliye sare u yahay madaxweynaha, wuxuuna u xil saarnaa istaraatijiyada xagga internetka ee ololihii doorashada. Wuxuu qabaa gabadha madaxweyne Trump ee la yiraahdo Ivanka.

Mr Kushner oo aan inta badan saxaafadda ka soo muuqan ayaa hor fariisanaya maanta guddiga senetka u qaabilsan sirdoonka, berrina wuxuu hor fariisan doona isla guddigaas oo kale oo ka tirsan kongareeska.

Hadalka oo guddiyada labada aqal uu ugu tala galay ayuu ku yiri "ma aanan maleegin, mana garanayo qof ololaha ka mid ah oo wax la maleegay dawlad shisheeye".

"Marka laga hadlayo xiriirradayda Ruushka ama wakiillada Ruushka intii uu ololuhu socday, aad bay u adag tahay in wax laga dhex helo" ayuu yiri.

Dhamaadka hadalkiisa qoraalka ah ayuu ku yiri "laga yaabee afar xiriir oo wakiillo Ruush ah" intii uu ololuhu socday iyo ka dib labadaba.

Wuxuu ula jeeday kulan uu la yeeshay qareen Ruush ah oo la yiraahdo Natalia Veselnitskaya bishii Juun ee sannadkii hore.

Sida la sheegay waxay ballan qaadday macluumaad dhaawac u gaysanaya Hillary Clinton.

Trump iyo Putin oo la ogaaday in ay kulan qarsoodi ah yeesheen

Mr Kushner wuxuu sheegay inuu kulanka goor dambe yimid, isagoo xaqiiqsaday in wax aan badnayn laga wada hadlay oo aan "wakhti badan la wada qaadan".

Wiilka Madaxweynaha, Donald Trump Jr ayaa sheegay in ninkii ololaha madaxda ka ahaa, Paul Manafort, uu sidoo kale kulanka joogay, isla markaana macluumaad wax u dhimaya Mrs Clinton aan halkaa lagu soo bandhigin.

Hal arrin oo Mr Kushner lagu kululayn karo ayaa ah caddaynta uu sameeyey ee xagga amniga ah, isagoo markii hore ogolaaday inuu ku guul darraystay inuu shaaca ka qaado xiriirrada uu ku leeyahay Ruushka.

Wuxuu sheegay in faylka hore oo ahaa qoraal qabyo ah oo meelo badan laga tirtiray uu si khaldan u fayl gareeyey qof gacan yare u ah 18kii January, caddaynta xiriirradiisa uu dibadda ku leeyahay oo Ruushka kaliya aan ahaynna si caadi ah loogu soo daray 6dii bilood ee ku xigtay.

BBC

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM