Xaakim hor istaagay xayiraadda socdaalka ee Trump

Image

Xaakim heer federaal ah oo ka shaqeeya gobolka Hawaii, ayaa si kumeelgaar ah u joojiyay mamnuucidda uu madaxweyne Trump saaray dadka ka yimaada 6 dal oo Muslim ah. 

Amarka Trump oo dhaqangeli lahaa 7-da aroornimo saacadda geeska Afrika, ayaa waxaa dacwado ka dhan ah laga furay 7 gobol oo kala ah Washington, New York, Minnesota, Oregon, Massachusetts, Maryland iyo Hawaii.  Dadkan dacwadahan gudbiyay ayaa ku doodaya in amarkan uu hareer marsan yahay shuruucda federaalka Maraykanka ee ku aaddan soogalootiga.

Amarka ayaa dhigaya in muddo 90 cisho ah aan dal ku gal la siin karin muwaadhiniinta dalalka kala ah: Soomaaliya, Suuriya, Liibiya, Sudan, Yemen iyo Iran. Waxa uu sidoo kale muddo 120 cisho ah mamnuucayaa dhammaan qaxootiga. 

Dalka Ciraaq oo todobo ku ahaa dalalkan ayaa liiska laga saaray, ka dib markii uu ogolaaday in muwaadhiniintiisa dooneysa in ay galaan Maraykanka lagu soo rogo baaritaan dheeraad ah.

Derrick Watson xaakimka joojiyey amarka Donald Trump ayaa sheegey madaama qoraalka Donald Trump oo lagu hor-istaagayo dadka ka imaanaya wadamadaan aan lagu magacaabin si gaar ah diidmo dadka Muslimka ah lakiin waxaa ku hoos qarsoon in dalka Mareykanka aysan imaan karin  dad haysta diin gaar ah taasoo ka horimaaneysa dastuurka dalka. 

Donald Trump ayaa ku tilmaamey amarka xaakimkaan mid ka dhigaya dalka Mareykanka wadan tabar daran Isagoo dhinaca kale ku goodiyey in dacwad ka dhan ah amarka xaakimka wasaarada cadaaladu bilaabi doonto.

Maxkamada sare ee dalka Mareykanka ayaa iminka u qaybsan 4 iyo 4 Xaakim kuwa soo kala aaminsan fikirada dimuqraadiga iyo Jamhuuriga.

Xaakimka 9 aad kasoo dhowaan madaxweyne Trump magacaabey ayaa sugaya ansaxinya aqalka  Senate-Ka.

BBC+ GAROWEONLINE 

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM