Ajarka ku jira Cibaadada la sameeyo Tobanka maalmood ee ugu horeeya bisha Dul Hajji

Image

Cibaadada adoonka Ilaahey sameeyo Tobanka maalmood iyo Tobanka habeen ee bisha Dul Hajji [ xiliga gudashada Xajka] ayaa waxaa ay lamid tahay fadliga ay leedahay Tobanka maalmood ee ugu dambeeya bisha Ramadan. 

Qof walba ma oga in ajarka iyo ku dhowaanshaha Ilaahey subxana-wa-tacalah ay muhiim tahay bisha uga dambeysa sanadka Islamka ee Dul Hijjah. Ilaahey SW dadka Islaamka ah waxaa uu siiyey fursado badan oo sanadka gudihiisa ku caabudaan islamarkaana dambi dhaaf ku waydiistaan.

Cullimada ayaa qabta in Surah al-Fajr 89:1-2].1 in Ilaahey SW kaga hadlayey Tobanka cisho ee ugu horeysa bisha Dul Hijjah iyo barakada iyo ajarka ka buuxa taasoo fursad siinaysa qofka Islamka ah inuu isha ku hayo kana faa'ideysto fursadaas la siiyey.

Talaabooyinka looga baahan yahay qofka Muslimka ah in bishaan qaado isagoo ka faa'ideysanaya fursada Ilaahey SW siiyey ayaa waxaa kamid ah in aad soontid, hadii aad awoodi karto Xoolo Qasho, akhrinta Quraanka Kariimka, habeenkii Ilaahey caabudkiisa u istaagto iyo maalinta Ciida ah aad Tukato.

Waxaa jirey 5 waxyaalood oo Nabigeena Naxiirisi Ilaahey korkiisa ha ka yeelee uusan gafi jirin kuwasoo kala ah; soonka maalinta Ashurah, Soonka Tobanka berri ee ugu horeysa bisha Dul Hajji, soonka 3 maalmood bil walba iyo tukashada labo Rak'ah Salaad walba horteeda.

Abu Hurairah ayaa soo wariyey in Nabiga (NKH) yiri " Ma jirto maalmo Ilaahey SW ka jecel yahay Tobanka cisho ee ugu horeysa bisha Dul Hijjah Cibaadada la sameeyo, iyadoo maalin kamid ah aad soontid waxay lamid tahay adigoo Soomah sanad iyo adigoo Tukada habeenkii galinka dambe salatul tahajjud waxay sidoo kale lamid tahay adigoo galinka dambe tukadey habeenka Lailatul Qadr.

Dhinaca kale Nabigeena ( SAWS) ka dalbadey dadka Mulimiinta ah inta lagu guda jiro bisha Dul Hajji badiyeen iney ku tasbiixsadaan  (“Subhan-Allah”), Tahmeed (“Al-hamdu Lillaah”) and Takbeer (“Allaahu akbar”).

Dadka Muslimka ah oo aan awoodin in Xajjka soo gutaan ayaa waxaa si sare looga dalbanayaa in Soomaan maalinta la taagan yahay Arafah waa Sunah la xoojiyey.

Nabi Maxamad ( SAWS) oo la waydiiyey soonka maalinta Arafah ayaa yiri: waxey dambi dhaaf u tahay sanadkii la soo dhaafey iyo sanadka soo socda.

Walaalayaal waan u jeedaan fadliga ay leeyihiin Tobanka cisho ee ugu horeysa bisha Dul Hajji waxaan kuligeen nala ka doonayaa in ILAAHEY u dhowaano dambi dhaafna aan waydiisano.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Canada: Walaalo oo lix sano loogu xukumay jirdilka nin Muslim ah

Weerarka oo dhacay July 15, sanadkii 2018 ayaa lagu naafeeyay Abu Marzouk, oo markaas 39 jir ahaa.

  • Islam

    10-05-2023

  • 02:59AM

Booliska Jarmalka oo lagu canaantey fal ay kula kaceen qoys Muslim ah

Muuqaal aad ugu faafay Baraha Bulshadda ayaa sababay carro iyo dhaleeceyn ka dhan ah laamaha amniga Germany.

  • Islam

    30-04-2023

  • 04:20AM