Hal milyan iyo bar Muslimiin ah oo Carafo taagan

Image

Hal milyan iyo bar Muslimiin ah oo dunida dacaladeeda isaga kala yimid ayaa isu diyaarinaya mid ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan acmaasha Xajka ee ka socota dalka Sacuudi Carabiya.

Waxay isugu tageen Buurta Carafo oo ku taala galbeedka Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu khudbadiisii u dambeeyay ka jeediyay Nabi Muxamed Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa ha ahaatee. 

Xujayda ayaa maanta halkas ku cibadaysan doona. Sanadkii hore isbuurasho ka dhacday Mina ayay ku dhinteen in kabadan labo kun oo ruux, intooda badana Iiraaniyiin ayay ahaayeen. 

Iiraan ayaan sanadkan dad u soo dirin acmaasha Xajka. Waxayna ku dhawaaqeen kulan kale oo maalinta Sabtida ah lagu qabto magaalada ay Shiicadu barakaystaan ee Karbala oo dalka Ciraaq ku taala.

Halkan ka daawo Xujeyda oo taagan Carafo

BBC

Related Articles

Canada: Walaalo oo lix sano loogu xukumay jirdilka nin Muslim ah

Weerarka oo dhacay July 15, sanadkii 2018 ayaa lagu naafeeyay Abu Marzouk, oo markaas 39 jir ahaa.

  • Islam

    10-05-2023

  • 02:59AM

Booliska Jarmalka oo lagu canaantey fal ay kula kaceen qoys Muslim ah

Muuqaal aad ugu faafay Baraha Bulshadda ayaa sababay carro iyo dhaleeceyn ka dhan ah laamaha amniga Germany.

  • Islam

    30-04-2023

  • 04:20AM