​NORWEY: Somali badan oo ku cidday Magaalada Trosmo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Soomaalida ku nool magaalada Tromsø ee Woqooyiga Norwey ayaa maanta  si weyn ugu debaal degty Munaasabadda Ciidul Adxa taasoo dunida Muslimka ah laga xusayay.

Somali badan ayaa ka qayb gashay salaadda ciidda oo lagu tukaday gudaha hoolka weyn ee Tromso Hallen, waxaana isugu yimid boqolaal muslimiin ah oo ku kala nool gudaha iyo daafaha magaalada, kuwaasoo isugu jiray; Waxgaradka,Dhallinyarada,Haweenka iyo Caruurta ku nool Tromsø oo si weyn looga dareemayay farxadda Ciidda.

Soomaalida ku nool magaalada Tromsø iyo ajaaniibta kale ee islaamka ah ayaa la arkayay iyagoo isugu marxabeynaya maalintaan aadka u qiimaha badan.

Bulshadii salaadda ka qayb gashay oo wajiyadooda laga dheehanayay farxad iyo dhammaashaad ayaa iskula dar-daarantay inay is-cafiyaan islamarkaana alle dhinaciisa loo noqdo.

Culumaa'udiinka Magaalada Tromsø ayaa iyaguna soo bandhigay Muxaadarooyin diini ah oo ku saabsan ahmiyadda ay leedahay weyneenta Ciidul Adxa, waxayna sidoo kale dadka fareen inay dalka Somalia u duceeyaan si uu u noqdo mid xasilloon.

GAROWEONLINE

Related Articles

Canada: Walaalo oo lix sano loogu xukumay jirdilka nin Muslim ah

Weerarka oo dhacay July 15, sanadkii 2018 ayaa lagu naafeeyay Abu Marzouk, oo markaas 39 jir ahaa.

  • Islam

    10-05-2023

  • 02:59AM

Booliska Jarmalka oo lagu canaantey fal ay kula kaceen qoys Muslim ah

Muuqaal aad ugu faafay Baraha Bulshadda ayaa sababay carro iyo dhaleeceyn ka dhan ah laamaha amniga Germany.

  • Islam

    30-04-2023

  • 04:20AM