​12 qof oo cudur ugu geeriyooday Garowe [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- 12 qof oo carruur iyo dad waaweyn isugu jira ayaa ku geeriyooday magaalo Madaxda Puntland ee Garowe, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka gobolka Nugal.

Dadkan ayaa dhammaantood u geeriyooday cudur saf-mar ah oo taagnaa ilaa bilowgii Bishan aan ku jirno ee February, 2017 kaasoo ka dhashay nadaafad xumo baahsan oo ka jirtay muddooyinkii dambe Kaamka barakacayaasha Shabeelle oo ay ku jiraan qoysas kasoo barakacay colaadaha ka jira Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

Isuduwaha Caafimaadka gobolka Nugal Maxamed Jaamac Xirsi, ayaa Radio Garowe u sheegay in dadkaas u geeriyoodeen cudur aan la aqoonsan balse wata buuq-bax {Shuban], kaasoo kalifay inuu ku baaho kaamka oo idil.

Xalay oo ugu dambaysay, wuxuu sheegay inay dhinteen 2 ruux oo midkood ahaa qof-weyn.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo dowladda hoose ayaa u fudiyay Kaamka Shabeelle Gurmad isugu jira Fayo-dhowr iyo daweyn.

Waxaa lagu waramayaa in xaaladda hadda kasoo raynayso sidii hore.

Cudurkan ayaa kusoo aaday xilli abaar baahsan ka jirta dalka Somalia, taasoo saamaysay dhammaan Miyi iyo Magaalo.

Inta badan Kaamamka Barakacayaasha, waxaa aad u hoosaysa Fayo-dhowrka, halka dowladda hoose lagu dhaliilayo inuu gaaro heerka intaas le'eg.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM