5 qof oo ku dhintay shilal ka dhacay inta u dhaxaysa Garowe iyo Qardho

Image

GAROWE, Puntland- Labo Gaari ayaa galabta ku dhacay inta u dhaxaysa deegaanka Xaaji Khayr iyo Garowe, waxaana ka dhashay khasaaro laxaad leh oo soo gaaray dadkii saarnaa gawaaridaas oo ku wajahnaa caasumadda Puntland.

Baabuurta dhacday ayaa midkood ahaa, Noah halka kan kale uu ahaa baabuur ay lahayd shirkadda Safarrada ee Raaxo.

Taliyaha Ciidanka ilaalada Waddooyinka Puntland, Axmed Cabdi Cali oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay in tirada dhimashada labada gaari ay gaarayso 5 qof halka dhaawacu gaarayo 22 qof.

Dadka dhibaatadu soo gaartay ayaa la kala gaarsiiyay cusbitaalada magaalooyinka Qardho iyo Garowe.

Shilka Noah-da ayaa yimid kadib markii uu ka  baxay jidka, waxaana ku dhintay labo qof, halka sideed kale dhaawacmeen.

Balse Gaariga Shirkadda Raaxo, ayaa waxaa ku dhintay 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen 14 qof.

Gaarigan oo ahaa Bas ayaa waxaa talisku sheegay inuu u qarxay Taayar.

Taliyaha Ciidanka Waddooyinka ayaa baabuurtan ku eedeeyay inay si xad dhaaf ah u raraan islamarkaana socdaan waqti kulul, isagoo ku goodiyay inay sharciga la tiigsan doonaan islamarkaana Barri soo saari doonaan Awaamiir arrintaas la xiriirta.

Shilalkan ayaa soo noq noqday ilaa todobaadkii hore, waana Gaarigii labaad oo shirkadda Raaxo oo ku dhacay nawaaxiga degmada Qardho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM