​Badda oo la tagtay qayb kamid ah Caluula, Dowladda oo ka aamusan Codsi uga yimid shacabka

Image

CALUULA, Puntland- Dadka deggan degmada Caluula ee gobolka Gardafuu ayaa kusoo waramaya inay lasoo daristay xaalad adag oo u baahan in wax laga qabto, kadib markii ay kusoo furantay Badweyntu.

Sida ay GO u sheegeen qaar kamid ah dadka degmada Caluula, qayb kamid ah magaalada waxay kamid noqotay badda iyadoo biyuhu soo galeen guryo badan islamarkaana la tageen ku dhawaan 20 kamid ah doonyihii Kalluumaysatada.

Arrintan ayaa timid kadib markii Ciid ay xirtay Kannaal biyuhu gali jireen xilliyada baddu kacsantahay, taasoo sidoo kale ay miciirsi usoo raadsan jireen noolaha Kalluunku kamid yahay ee ku jira Badda.

Gudoomiyaha degmad Caluula ee gobolka Gardafuu Cali Shire Maxamud Cusmaan, ayaa Radio Garowe u sheegay in dowladdu ka jawaabi la'dahay baaqyo ay dirayeen ilaa Bishii Afraad ee ina dhaaftay.

Dadka degan deegaanada hoos yimaada Caluula ayuu sheegay inay isugu yeereen si loo xalliyo dhibkan kalifay in dadkii ay ka barakacaan qaybo kamid ah magaalada, balse ay ku guulaysan waayeen maadama sida uu xusay loo baahanyahay Gadiid lagu faago ciidda.

Cali Shire, ayaa sheegay in dad badan oo hantiile ahaan jiray maanta ay kor saar ku yihiin qoysas kale taasoo ay kaliftay masiibada ka taagan degmada Caluula oo kamid ah deegaanada faca weyn ee ku yaalla Bariga fog ee Puntland.

Wuxuu sheegay inay xiriir la sameeyeen dhammaan golayaasha dowladda oo ay ugu dambaysay baaq ay usoo direen wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, balse ilaa hadda aysan u muuqan saan saan lagu caawinayo iyo jawaab ay helayaan.

Muuqaalo uu helay Garowe Online, ayaa muujinaya guryo badan oo galay badda kadib markii Biyuhu kasoo tallaabeen xadki ay joogeen, waxaana laga cabsi qabaan in degmada gabi ahaanteeba qarsoonto.

Guddoomiyaha Caluula, oo haatan kusugan magaalada Bosaso ayaa tilmaamay in hadii aan dhaqso wax looga qaban dhibkaas arrintu noqon doonto mid aan waxba laga qaban karin oo sababi karta in magaaladu isu badasho gabal kamid ah Badweynta.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dowladda Puntland, inkastoo golahii xukuumadda la kala diray dhawaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM