​Bandhiga Garowe oo lasoo gaba-gabeeyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa Galabta 20 July, 2017 magaalada Garowe lagusoo gaba gabeeyay Bandhiga Carwada Buugaagta oo muddo Afar maalmood ah kasocday caasumadda Puntland ee Garowe.

Bandhigan oo sannadkii saddexaad lagu qabanayo Garowe, waxaa kasoo qayb galay in kabadan 60 qoraa, Suugaanley, Madax kasocotay dowladda iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Waxaa barnaamijkan soo qaban qaabisay Shirkadda Daabacda Bugaagta, Laybarariga SCANSOM iyo Mahcadka Cilmbi Baarista SIDRA.

Xiritaanka Bandhiga oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee Jaamacadda Bariga Africa, waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin katirsan wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Madaxa Shirkadda SCANSOM, Maxamed Sheekh Xasan oo kalmad ka jeediyay xiritaanka ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay sida wanaagsan ee Barnaamijkan u qabsoomay, wuxuuna u mahadceliyay dhammaan intii kasoo qayb gashay kulankan ballaaran.

Sidoo kale Guuleed Saalax oo ah Agaasimaha SIDRA, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in intaas Aqoonyahay ay isugu yimaadaan Garowe, isagoo dadweynaha ugu baaqay in kor loo qaado dhigaalka iyo dhaqaganka.

Qaar kamid ah dadkii kasoo qayb galay barnaamijkan oo lahadlay GO, ayaa soo dhaweeyay sida wanaagsan ee u socday Bandhigu iyagoo sheegay inay waxyaabo badan ka faa’iideen.

Ugu dambayn Sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda Waxbarashada Puntland, Abshir aw-Yuusuf Ciise, ayaa soo dhaweeyay bandhiga GIBF, wuxuuna soo qaban qaabiyaasha ku ammaanay sida ay howsha u wadeen, isagoo tilmaamay in wasaaraddu door ka cayaari doonto sidii loo noolayn lahaa Af-ka iyo dhaqanka.

Wasiirka ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay xubno loo gartay inay door lixaad leh ka qaateen qabashada howsha book Fair-ka Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM