Camay “Dowladda Farmaajo wadada tii hore haysay bay haysaa”

Image

GALKACYO, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay ayaa dhaliil usoo jeediyay dowladda cusub ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xilli uu warbaahinta kula hadlayay magaalada Galkacyo.

Camay oo ka hadlayay xaaladda abaaraha islamarkaana uu booqanayay goobo ay isugu tageen dadka soo barakacay ee gobolka Mudug, ayuu Madaxweyne ku-xigeenku sheegay in xukuumadda Farmaajo qaaday wadadii dowladii hore.

Arrintan ayaa timid kadib Markii uu dhaliilay habka dowladda Somalia uga qayb qaadatay gurmadka abaaraha ee maamullada dalka gaar ahaan lacago loo qaybiyay kuwaas oo Puntland ka heshay 150 kun oo doollar

Wuxuu sheegay in Puntladnd soo gaareen dad isaga kala yimid maamullada Somalia islamarkaana qoondadaas  aysan u cuntamin.

“Anagu waxaan leenahay dhul ballaaran oo ay kusoo qaxeen Afar maamul in kabadan, Somalia Ethiopia ayaa kusoo qaxay, Galmudug ayaa kusoo barakacda, Ahlusunna ama gobollada dhexe kaad rabtaan dhahoo baa kusoo qaxday, Somaliland baa kusoo qaxday, culayskii nahaysta ayaa afar culays oo kale naloo kusoo daray,” Ayuu yiri mudane Camay.

Isagoo sii hadlay wuxuu sheegay,”Dowladda Federaalka waxaan leeyahay anagu la dhaqaale ma nihin wixii aad gacanta ku haysaan kuwo naga dad yar oo naga dhul yar oo aan cidna kusoo qaxin inaad nala mid dhigtaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ayaa sidoo kale sheegay inuu horay u shaaciyay in dowladda Farmaajo ay lamid tahay middii uu hogaaminayay Xasan Sheekh, wuxuuna uga baaqay inay cadaalad ku shaqeeyaan.

“Horay ayaa u sheegay waa ku celinayaa dowladda Farmaajo waxay heysaa wadadii tii hore, umadda waxa la idinku dhiibay Koofurta iyo Bartamaha kaliya ma lahan, waa in aad si cadaalad leh ugu qeybisaan,”Ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Dhaliishan ayaa soo baxday xilli dowladda Puntland, lacagtii loogu deeqay ee katimid dhinaca Federaalka ay ku gadeen booyado la sheegay in biyaha loogu dhaaminayo dadka abaaruhu saameeyeen.

GAROWEONLINE


Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM