​Camay oo ka hadlay wada-hadalka Gallayr iyo Somaliland

Image

GAROWE, Puntland- Dowladda Puntland ayaa ka hadashay wada-hadalka u dhaxeeya Somaliland iyo hogaamiyaha maamulka la magac baxay Khaatumo kaasoo hadda kasoconaya dalka Jabuuti.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay inuusan waxba ka jirin islamarkaana miro dhal yeelan doonin wada-hadalka u dhaxeeya Khaatumo iyo Somaliland.

Camay ayaa Cali Khaliif ku tilmaamay mid aan haysan kalsoonida shacabka daga gobollada uu sheegto inuu kataliyo isagoo tusaale u soo qaatay xannibaadii loogu gaystay degmada Buuhoodle.

"Riyo haday dib leeyihiin dabadooda ayay ku qarsan lahaayeen, Cali Khaliif hadii uu haysto dad taageerayaal ah waa la arki lahaa, isagoo kaligiis ah ayuu gaaro Noah ka raacay Buuhoodle, marka meeyay dadka uu haystaa," Sidaas waxaa yiri mudane Camay.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu sheegay inaysan garan karin waxyaabaha Somaliland kala hadlayso Cali Khaliif iyo faa'iidada ay ka helayaan nin aan dal iyo dad labada haysan.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in dhul Puntland leeday ay haysato Somaliland taasoo ay ka warqabadaan cid walba, isagoo xusay inay dadaal u gali doonaan qaabkii lagusoo celin lahaa.

"Puntland dhul ay leedahay ayaa la joogaa Somaliland ayaa joogta, dastuurka Puntland bay ku qorantahay cid walbaana waa ogtahay, ninkii diidan xaqiiqada rasmiga ah isaga ayay u taallaa, laakiin anaga mar walba waxaa naga go'aan kaan ku dhaaranay inaan ku shaqayno waan dastuurka Puntland inta dhul aan leenahay maqanyahay, wada hadal baan ku doonaynaa, walaaltinimaan ku doonaynaa aakhirkana wixii laga maarmi waayo ayaan ku daynaynaa," Sidaas waxaa hadalkiisa ku daray Camay.

Hadalkan ayaa soo baxay maalin uu kadib markii Cali Khaliif Puntland ku eedeeyay inay ka shaqaynayso dhibaatada maamulka Khaatumo, halka uu Madaxweyne Somalia ee la doortay ku tilmaamay mid u taliya Xamar oo kaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM