Ciidamada amniga Puntland oo lagu eedeeyey ineysan talaabo ka qaadin dabley dishey sarkaal sare- Dhageyso

Image

BOSSASO, Puntland- Kadib markii maanta Dec 25, 2016 magaalada Bossaso lagu diley Xeer ilaaliyihii guud ee maxkamada ciidamada Puntland Cabdikarim Xasan Firdhiye ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in goobtii kooxda dableyda dilka ka gaysatey ay ag dhowaayeen ciidamo ka tirsan Booliiska gobolka.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada Puntland Col. Cabdifatax Xaaji Aadan oo la hadlay idaacada BBC laanteeda af-Somaliga ayaa sheegey iney jireen ciidamo ka ag dhowaayeen goobta dilku ka dhacey isagoo ku dhaartey in talaabo ka qaadi doonaan askartaas.

Cabdifatax ayaa sheegey in askarta ka dhoweyd goobtaas oo aan qaadin talabadii laga rabey ay ka dambi badan yihiin kooxaha dilka gaystey.

Dilal ka dhacaya magaalada Bossaso ayaa soo kordhiyey wayadaan dambe iyadoo muddo 15 maalmood gudoohood xarunta ganacsiga Puntland lagu diley sadex sarkaal oo ka tirsan dowlada Puntland.

Ciidamada Puntland oo muddo aan mushahar qaadan ayaa wararka soo gaaraya Garowe Online sheegayaan in niyad jab xoogan haysto.

Dhageyso wareysiga gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Puntland- Xigasho BBC 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM