​Ciidamo katirsan NISA oo Puntland isu soo dhiibay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Dowladda Puntland ayaa magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug kusoo bandhigtay Askar katirsan Ciidamada sida gaarka ah u tabobaran ee dowladda Federalka Somalia ee NISA.

Ciidanka oo la sheegay inay kamid ahaayeen cutub laga keenay gobollada dhexe oo loo soo diray Colaada Galkacyo ayaa ka hadlay ujeedka ay Puntland isugu soo dhiibeen, waxayna cadeeyeen in laga beensheegay ujeedkii loo tababaray iyo qorshihii lagu howlgaliyay.

Askartan oo gaaraysay saddex, ayaa warbaahinta magaalada Galkacyo ugu sheegay inay ka yimaadeen deegaanada Balan-balle iyo Caabudwaaq ee bartamaha Somalia islamarkaana ay ka tirsanyihiin NISA.

Waxay sheegeen in markii hore lagusoo kaxeeyay inay sugayaan amniga goobaha doorashada gaar ahaan Cadaado, balse loo soo gudbiyay degmada Galkacyo si ay uga qayb qaataan dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.

Askartan ayaa tilmaamtay inay u cuntami weyday qorshahan lagu howlgalinayo islamarkaana arrin aan al qaadan karin ula ekaatay inay la dagaallamaan shacab aan waxbo galabsan oo dhinaca Puntland kasoo jeeda.

Waxay xuseen in Puntland lagusoo dhaweeyay islamarkaana si wanaagsan loola dhaqamay, waxayna ka marag kaceen in ciidamo katirsan dowladda Federalka Somalia inay ka dagaallamayaan magaalada Galkacyo.

Dhinca kale wasiirka Deegaanka Puntland Cabdillaahi Warsame, ayaa ka hadlay siday u arkaan ciidamadan soo goostay iyo hadal maanta kasoo yeeray wasiirka warfaafinta Somalia.

Cali Cabdillaahi ayaa sheegay in ciidamada caddayn u yihiin eedihii ay horay u jeedisay dowladda Puntland, wuxuuna beesha caalamka ku wargaliyay in magaalada Galkacyo ka dagallamayaan ciidamo huwan ah oo katirsan Galmudug, Al Shabaab iyo dowladda Dhexe.

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday ciidamada dowladda dhexe doonayso inay keento magaalada Galkacyo, wuxuuna ku macneeyay qorshe xukuumadda Xamar ku doonayso inay colaad ka huriso gobolka Mudug.

Wuxuu sheegay inay hayaan cadayn ah in dagaalka Galkacyo ka qayb galeen shan gaari oo dowladda Federalka Somalia leedahay kuwaasoo loo soo diray inay gacansiiyaan mallayshiyaadka Al Shabaab iyo Galmudug oo wada jira.

Dagaallada Galkacyo ayuu ku sifeeyay inay ahaayeen kuwo siyaasadaysan oo lagu doonayay in waddanka khalkhal lagu galiyo islamarkaana lagu hagar-daameeyo dowladnimada Puntland.

"Dowladda Puntland siyaasadeedu waxa weeye nabad kuwada noolaansho, daris wanaag, midnimo Somaliyeed iyo inay saldhig u noqoto qaran Somaaliyeed sidii loo dhisi lahaa," Sidaas waxaa yiri Cali Cabdillaahi wasiirka Deegaanka Puntland.

Wuxuu sidoo kale sheegay in magaalada Galkacyo lagu wada daganaa dulqaadka Puntland, balse lala fahmi waayay, wuxuuna arrinta ku macneeyay mid keeni kara in dulqaadkaasi dhammaado oo Galkacyo waji kale u horseeda.

Arrintan ayaa timid xilli xiisad culus ka dhextaagantahay maamullada Puntland iyo Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM