​Ciidamo qabsaday xarunta Shirkadda Golis Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Xarunta weyn ee shirkadda Isgaarsiinta Golis ayaa saaka waxaa isku gadaamay ciidamo la sheegay inay ka socdaan madaxtooyada Puntland, kuwaasoo raadinaya lacag lagu sheegay canshuur aan ahayn middii sharciga ahayd ee laga qaadi jiray shirkadda.

Xarumaha Golis ayaa iminka xiran, waxaana saaka xilligii ay soo shaqo galeen shaqaalaha goobta yimid ciidamo hubaysan oo wata Tikniko kuwaasoo amray inaan wax shaqo ah laga qaban karin ilaa laga bixiyo dalabkooda.

Sarkaal katirsan Shirkadda oo la hadlay GO ayaa u xaqiijiyay qabsadasha shirkadda, wuxuuna xusay in arrinta ay raadinayaan tahay mid ka baxsan canshuurtii caadiga ahay oo qiiyaastii kor u dhaafta 60 Kun, wuxuuna tilmaamay in tallaabadan ka duwanayn tii lagu xiray Xawaaladda AMAL.

Wuxuu xusay in go'aanka lagu xiray xarunta uu kasocdo dhinaca madaxweyne ku-xigeenka Puntland, isagoo sheegay in maamulka sare iyo madaxweynuhu isku afgaran waayeen lacagta la raadinayo.

Lacagta la raadinayo ayaa gaaraysa ilaa 30 Kun oo dollar, taasoo ilaa iminka wax xal ah laga gaarin, balse wararka uu helayo Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya inuu socdo wada hadal u dhaxeeya madaxda dowladda iyo maamulka shirkadda Golis.

Tallaabadan ayaa noqonaysa markii labaad oo ay ka dhacdo Garowe, waxana bishii hore sidaan oo kale muddo kooban loo xiray Xawaaladda AMAL taasoo ay yimaadeen ciidamo ilaaliya madaxweyne ku-xigeenka Puntland, kuwaasoo raadinayay lacag gaaraysa 70, 000 oo dollar.

Warar kale oo madax bannaan ayaa sheegaya in lacagta madaxtooyadu raadinayso qayb ka tahay mid laga qaaday xawaaladaha oo dhan taasoo goor sii horraysay lagu sheegay in lagu bixin doono daymo dowladdu gashay dagalladii lala galay Al Shabaab.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay labada dhinac.

Shirkada isgaarsiinta ayaa ku guda jirtey tacsi ka dib markii shil baabuur maalintii Jimacaha ee la soo dhaafey uu ku dhintey madaxii ganacsiga shirkadaan AHN Cumar Faruuq.

Weerarkaan lagu soo qaadey shirkadaan ayaa imaaneysa maalin kadib markii Madaxwynaha Puntland dib ugu soo noqdey magaalada Galkacayo. 

Dowlada Puntland oo la kufaa dhaceysa bixinta mushaharaadka iyo daryeelka ciidanka ayaa wararkaan sheegayaan in lacagtaan u rabto magdhow la siinayo ciidamada Puntland ee ku dhinta dagaalada kuwasoo xukuumada Gaas bixin waydey.

Golis ayaa kamid ah shirkadda ugu muhiimsan ee bulashadu isticmaasho dhinacyada isgaarsiinta iyadoo dadweynuhu aad u isticmaalaan barnaamijka SAHAL oo lacago la isugu diro, waxaana bulshadu ka walaacsantahay tallaabada la qaaday.

GAROWEONLIN

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM