​Dagaal ka dhacay gobolka Mudug

Image

GALKACYO, Puntland- Dagaal xooggan oo u dhaxeeya mallayshiyaad habaysan oo kasoo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa saaka ka dhacay deegaanka godob iyo qaybo kamid ah nawaaxiga magaalada Galkacyo sida ay sheegeen dad goobo joogayaal ah.

Dagaalkan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana la sheegay inuu dabo joogo aanooyin qabiil oo horay uga dhex dhacay labada dhinac.

Arrintan ayaa ka shidaal qaadanaysa sida wararku sheegayaan dhacdo dabayaaqadii todobaadkii hore ka dhacay nawaaxiga deegaanka Godod iyo Gacmafale ee bariga gobolka Mudug, taasoo lagu dil saddex qof oo labo kamid ah ahaayeen Aabbe iyo wiil uu dhalay.

Dagaalka saaka oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo laga maqlayay Galkacyo ayaa lagusoo waramayaa inuu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana wararka laga helayo jiida hore sheegayaan in dhimashada labada dhinac gaarayso lix ruux, dhaawacna jiro.

Majirto ilaa hadda cid ka hadashay labada dhinac oo muddooyinkii dambe waday olole nabadeed.

Dad badan oo shacab ah ayaa saamayn ku yeelatay dagaalka gobolka Mudug, waxaana mar kasta bur-bura heshiis ay gaaraan madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug iyadoo ay muuqato in dhibkan u dhaxeeyo dad shacab ah oo gobolkaas kuwada nool.

Ciidamo katirsan labada maamul ayaa lagusoo waramayaa inay ku baxeen goobta dagaalku ka dhacay.

Sannadihii u dambeeyay waxaaa gobolka Mudug hareeyay dilal, dagaallo iyo weeraro ka dhex dhacayay shacabka iyo maamullada kawada taliya gobolkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM