​Dhedo oo khasaaraha howlgalka Qandala Radio Garowe uga waramay

Image

GAROWE, Puntland- Guddoomiyaha gobolka Bari ee Puntland, Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo, ayaa sheegay inay si buuxda gacabta ugu dhigeen degmada Qandala ee gobolkaasi abaare 02:14pm xilliga Geeska Africa.

Waraysii uu siiyay Idaacadda Radio Garowe, wuxuu mas'uulkaasi kaga waramay khasaaraha ka dhashay dagaalka oo sheegay inuu ka dhacay ilaa 7 goobood, isagoo xusay inay ku dileen 30 Daacish kamid ah, halka dhaawacu gaarayo 35 kale.

Dhinaca ciidamada dowladda, ayuu xusay in 4 askari oo qura ku dhaawacmeen kuwaasoo qaba dhaawacyo fudud.

Mudane Dhedo, ayaa intaas ku daray in kooxdan haraadigeedu u firxadeen goobo uusan sheegin, balse uu tilmaamay inay ku baxayaan si looga sifeeyo gobolka.

Wuxuu intaas ku daray inaysan jirin qof dhaqaaqi kara oo ku sugan tuulooyinka hoos yimaada degmada Qandala, isagoo sheegay in dadkii ay ka barakiciyeen mallayshiyadan.

Wuxuu sidoo kale caddeeyay in Daacishta Qandala qabsatay wateen saddex baabuur oo qura kuwaasina gacabta ugu jiraan ciidamada dowladda Puntland.

Howlgalkan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee ka dhan ah mallayshiyaad sheegta Daacish, ayaa kusoo beegmaya xilli mas'uuliyiinta ugu saraysa dowladda ay ka maqanyihiin deegaanada Puntland iyadoo sidoo kale jiraan abaaro laxaad leh oo saamayn ba'an u gaystay dadkii iyo duunyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM