Dooni laga leeyahay Iran oo lagu qabtey Xeebaha Puntland

Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Ciidamada Badda Puntland ayaa gacanta ku dhigay Dooni laga leeyahay dalka Iran, xilli Kalluumeysi shaarci darro ah kawaday xeebaha dalka Soomaaliya.

Kornayl Maxamed Cabdi Xaashi, Taliyaha Ciidamada Dekedda Boosaaso, ayaa VOA u sheegay in howlgalka lagu qabtey doonta uu ka dhacay Xeebaha magaalada 6-dii bishan October.

Wuxuu sheegay in Doonta ay la socotay dooni kale, oo ka baxsatay Ciidamada, isagoo intaasi ku daray in hal madmaaxi oo kasoo jeeda Iran uu ku dhintay rasaastii lagu furey Doonyaha, intii uu socday howlgalka lagu soo qabanayay.

Labada Doon ayaa la rasaaseeyay kadib markii ay iska dhega-tireen amaro ay siiyeen Ciidamada Ilaalada Badda Boosaaso, maadaama ay uga jariifanayeen Biyaha Badweynta Hindiya, iyagoo sharci ogolaansho ah ka haysan dowladda Puntland.

Hal Madbaaxi oo lagu magacaabi jiray captain Haydar Abdalla Sabiil  ayaa ku dhintay howlgalka, mid kalena dhaawac ayaa kasoo gaarey rasaasta, sida uu xaqiijiyay Col Maxamed Cabdi Xaashi, oo intaasi ku daray hadalkiisa in

Captain Haydar Abdalla Sabiil oo watay dooni lagu magacaabo Al-Sa'idi, taasi oo hadda lagu hayo Dekedda Boosaaso. Howlgalka wuxu ka dhacay Jimcihii lasoo dhaafay xeebta Raas-xaafuun, ee gobolka Bari.

Waxay hadda Ciidamada gacanta ku hayaan 16 kalluumeysato iyo hal doon.

"Ciidamada badda Puntland oo ku guda jira howgal ayaa arkay 6-dii October labo doon oo ka kalluumeysanayay Xeebata Raas-xaafuun, waxaana lagu furay rasaas kadib markii ay ka dhega-adeegeen amarkii la siiyay," ayuu yiri Col Maxamed.

"Waxaa inoo suurta-gashay inaan gacanta ku dhintay mid kamid ah Labad doon, mida kalena way baxsatay," ayuu hadalkiisa raaciyay Taliyaha Ciidamada Dekedda Boosaaso, oo Wareysi siinayay VOA-da.

Saraakiisha Ciidamada Badda Puntland ma aysan shaacin magacyada Kalluumeysatada lasoo qabtey iyo dalalka ay kasoo jeedaan, balse waxay sheegeen inay wadaan baaritaano arintaasi ku aadan.

Doonyaha ugu badan ee Kalluumeysiga Sharci darrada kawada Xeebaha dalka Soomaaliya waxaa laga leeyahay dalalka Iran, Yemen, China iyo kuwa kale oo ka yimaada Koonfur Bari Qaaradda Asia

Sanadkii 2015 dabaqaayadiisii, Puntland ayaa qabatay 6 Doon iyo tobaneeyo Kalluumaysato ah, oo u dhashay dalalka Yemen iyo Iran, kuwaasi oo lasii daayay marki dambe, kadib markii laga qaadey lacag ganaax ah, iyo kalluunkii ay qabteen.

Sanadkii lasoo dhaafay, dowladda Soomaaliya ayaa la siiyay $65,000 (lixdan iyo shan Kun oo Doolar), oo ganaax ahaa taasi oo laga qaadey Shirkada iska leh markab lagu magacaabo Greko 1, lagu helay inuu kalluumeysi sharci darro ah ka sameeyay Biyaha dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM