Dowlada Puntland oo aan weli ka hadlin qaraxa ka dhacey magaalada Galkacayo

Image
Image

Galkacayo: Kadib markii saaka qarax khasaaro fara badan ka dhashey ka dhacey xarunta dowlada Hoose ee magaalada Galkacayo iyo goob suuq ah oo ku dhow ayaa weli hay'adaha dowlada Puntland u qaabislan amniga iyo warfaafinta wax war ah kasoo saarin.

Qaraxyada maanta ka dhacey magaalada Galkacayo oo wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in dhimashada gaareyso 20 qof halka dhaawaca yahay 43 qof ayaa Dhinaca kale ku soo beegmaya xilli Madaxweynaha Puntland ka maqan yahay dalka.

Warsidaha Garowe Online oo isku taxalujiyey inuu wax ka ogaado sababta weli dowlada Dhexe ee Puntland uga aamusan tahay ka hadalka qaraxaan ayaa ogaadey in Madaxweyne ku- xigeenka Puntland ahna ku simaha xilkaan inuu magaalada Garowe ka ambabaxey kadib markii mashaqada saaka ka dhacdey magaalada Galkacayo isagoo aadey magaalada Boocame gobolka Sool halkaasoo maanta ka dhaceysay aaskii AHN Marxuum Ugaas Cabdullaahi Ciise Nuur.

Safarka Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa ku weheliya sida aan warka ku helyno wasiirka warfaafinta Puntland oo isagu gobolkaas ka soo jeeda iyo wasiiro kale kuwasoo dhamaantood muhiimada koowaad ka dhigey ka qayb galka duugtaas madaama herdan siyaasdeed ka dhex taagan yahay siyaasiyiinta gobolka.

Dhinaca kale waxaa aamusan wasaarada amniga Puntland oo ay ku sugan yihiin Wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud xilli wasiirka Cabdi Xirsi xaalad caafimaad ugu maqan yahay wadanka Hindiya.

Dowlada Puntland ayaa shacabka gobolka iyo guud ahaan sida aan ku helyno wararka uga dagin iney ka digtoonadaan weeraro lala beegsan karo madaama howlgalo lagu ugaarsanayo kooxda Al-shabaab ka socdaan labada dhinac ee magaalada Galkacyo.

Madaxweynaha Puntland ayaa kulamo uu la qaatey madaxda dowlada Federaalka horey uga codsadey in ciidamada la dagaalanka kooxaha argagixida ah ee Danab loo soo diro magaalada Galkacyo madaama ay ka jirto amni xumo ba'an taasoo kooxda Al shabaab ku beegsanayeen dadka muhiimka ah ee gobolka.

Talaabadaan ayaa siyaabo kala duwan uga hadleen shacabka Puntland taasoo ku sheegeen in tusaale u tahay in xukuumada Madaxweyne Gaas ku guuldareystey ilaalinta amniga dadkeeda muwaadiniinta ah kadib markii ay ku filaaan waydeyna gacan waydiisatey ciidamada Federaalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM