Dowlada Puntland oo lacag Imaraadku bixiyey ku dhameytireysa mashaariic kala duwan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Xaflad lagu qabtey Hoolka Jaamacada Barriga Afrika magalaada Garowe ayaa Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas lacag gaareysa 3.5 dollar ku wareejiyey mashruuca dhismaha garoonka diyaardaha Garowe iyo waddada Ceel-Daahir Baran.

Xafladaan oo ay ka hadleen saraakiil ka tirsan dowlada iyo qaar ka kamid ah Issimada gobolka Nugaal iyo Barri ayaa  waxaa loogu mahadceliyey Madaxweynaha Puntland in lacagtaas ku bixiyo  dhameystirka Mashaariicdaan.

Lacagta dowlada Puntland ku bixisay dhameytirka mashaariicdaan ayaa waxaa horey u bixisay (Bonus) shirkada DP world markii ay heshiiska lagu horumarinayo dekada Bossaso dhowaan la saxiixdeen madaxweyne Gaas. Lacagtaan oo gareysay 10 Milyan dollar ayaa loogu talagalay in dowlada Puntland u isticmaasho hurumarinta kaabayaasha dhaqalaha iyo kabidda misaaniyada maamulkaas.

Mashruuca dhismaha garoonka diyaardaha magaalo madaxda Puntland ayaa waxaa wajigiisii koowaad bixisay hay'adda Kuwait Fund balse waxaa dib u dhac ku yimid wajigii labaad taasoo khasabtey in Madaxweynaha Puntland lacagta uu ka heley wadanka Imaraadka Carabta u weeciyo dhameytirka mashruucaan.

Shirkada DP World oo laga leeyahay Wadanka Imaraadka Carabta ayaa heshisyo lagu hurumarinayo dekadaha magalaada Bossaso iyo Berrbera horey ula gashay maamulada Puntland iyo Somaliland.

Dhinaca kale dowlada Puntland ayaa ku biirisay dhismaha wadada isku xireysa Ceel-Daahir iyo magalaada Baran ee gobolka Sanaag lacag gaareysa 1 Milyan dollar.

Wadada isku xireysa tuulada Ceel Daahir iyo degmada Baran ayaa dhererkeedu yahay 90 KM.

Dhismaha wadadaan oo dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Cabdiweli Maxamad Cali Gaas bilowdey ayaa lacagtiisa waxaa horey ugu  tabarucey shacabka Puntland halka dakhliga dowlada ee kasoo baxa dekada Bossaso lacag loo looga jaro.

Dadweynaha Puntland gaar ahaan kuwa gobolada Nugaal iyo Barri ayaa aad u soo dhoweeyey in dakhliga laga heley dalka Imaraadka shirkadihiisa lagu bixiyo dhameystirka mashaariicdaan halka  madaxweyne Gaas lagu bogaadiyey in lacagtaan qayb kamid ah u  weeciyo dhameytirka mashaariicdaan.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM