​Duub-dhaqameed ka horyimid heshiis dhexmaray Khaatumo iyo Somaliland

Image
Image
Image
Image
Image
Image

LAASCAANO, Somalia- Dubabka dhaqanka beelaha dega gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa ka horyimid wadahadalka iyo hishiiska dhexmaray maamullada Khaatumo iyo Somaliland.

Madax-dhaqameedkan oo maalmihii la soo dhaafay shir uga socdey tuulo lagu magacaabo Cadcadka (Higlada) oo 40KM Bari ka xigta magaalada Laas-caano ayaa waxa ka qaygalay 8 madax dhaqameed iyo wakiilo Matalayay beelaha halkaasi daga.

Afar qodob oo kasoo baxay kulamadaas, ayaa Odoyaashu ku sheegeen inaan lagala tashay arrimaha dhexmaray Khaatumo iyo Somaliland, waxayna is ku raaceen inaysan khusayn waxyaabaha soo baxay ee ku aadan  deegaanadaas.

Wax-garadka ayaa sidoo kale sheegay in masiirka gobolladaasi aysan ka go'in koox gooni ah, balse ay kawada dhaxayso bulshada halkaasi dagta oo dhan.

Shirkan Odoyaasha dhaqanka ayaa yimid markii xubno katirsan maamulka Khaatumo iyo Somaliland hishiis dhexmaray, kaasoo ku aadan masiirka saddexdaas gobol, waxaana todobaadkii hore mar uu hadlay Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire uu sheegay inay meel uga soo wada jeedsan doonaan gacanta saddexaad ee arrimahooda soo gasha.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Somaliland iyo Khaatumo.

Hadalka odey dhaqameedkaan ayaa imaanaya xilli gobolka Sool booqashada ku marayaan wafti ka socda maamulka Somaliland kuwasoo kulamo last qaatey odayaal iyo waxgarad kale oo ku sugan magaalooyinka Laascaano iyo Taleex.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM