Faarax Cali Shire "Fashilka Puntland 18 kadib lama aqbali karo"

Image

GAROWE, Puntland- Wasiirkii hore wasaaradda Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire, ayaa maanta ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda Puntland hadda ku sugantahay iyo waxa u qabsoomay 18 sano kadib.

Shire oo faah faahin ka bixinayay hadafyadii loo aas-aasay Puntland, ayaa xusay inaan wali la gaarin ujeedooyin muhiim ah oo bud-dhige u ahaa dowladnimada iyo rabitaanka shacabka, wuxuuna ku baaqay in la sameeyo wada-tashi bulsho oo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa fashil siyaasadeed.

Ex- Wasiir Shire oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe,  ayaa sheegay inuu jiro tafaraaruq badan oo dhinaca siyaasadda iyo dhaqanka ah, kuwaasoo sabab u ah  dhibaatooyinka jira.

Arrimaha ammaanka iyo dhaqaalaha ayuu mudane Faarax tilmaamay inay aad uga hoosayso markii la yagleelay dowladda Puntland, taasoo sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin.

Wuxuu xusay inay jiraan waxyaabo badan oo dadweynaha reer Puntland ku baraareen, kuwaasoo looga mahad-celinayo hogaankii siyaasadeed iyo midkii dhaqan ee ka shaqeeyay guulaha la gaaray.

Midnimada Puntland ayuu sheegay inay tahay mid aad u wiiqmay marka laga eego aas-aaskii ka hor, halka adeegyada bulshada iyo kalsoonida lagu qabi karo dowladda ay yihiin kuwo aad u hooseeya.

Farax Cali Shire, ayaa xusay in loo baahanyahay sidii looga jawaabi lahaa su'aalo  tiro badan oo ay ku jirto; Puntland-tii la dhisay 18 sano ka hor masidaan baynu ku daynaa mise waxaan rabnaa Puntland nooc kale ah?.

Faarax Cali Shire oo kamid ahaa xukuumaddii Madaxweyne Farole, ayaa tilmaamay inay dhismeen maamullo kale oo tartan inagula jira, wuxuuna siyaasiyiinta iyo shacabka Puntland ugu baaqay in looga baahanyahay wax ka qabashada xaaladaha jira.

Hadalka Wasiir Faarax Cali Shire ayaa kusoo aaday xilli dhaliilo badan loo jeedinayo dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas taasoo ku fashilantay inay wax ka qabato arrimaha amniga iyo dhaqaalaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM