​Farax Cali Shire oo ka hadlay khilaafka dowladda iyo Gallan

Image

GAROWE- Wasiirkii hore maaliyadda Puntland Farax Cali Shire, ayaa ka hadlay khilaafka dhexyaalla dowladda Puntland iyo Guddoomiyihii hore gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan, wuxuuna ku baaqay in laga fogaado colaad gobolka ka dhacda.

Shire oo waraysi siinayay Radio Garowe, ayaa siwadajir ah baaq nabadeed ugu diray labada dhinac, wuxuuna sheegay in Puntland xilligan u baahnayn colaad sokeeye, isagoo codsaday in kala aragti duwanaanta jirta lagu xalliyo wadahadal.

Wasiirkii hore maaliyadda, ayaa soo jeediyay in arrinta loo daayo siyaasiyiinta, waxgaradka iyo Isimada ku jira dhexdhexaadinta, isagoo tilmaamay inay meel wanaagsan waxmarinayaan.

Siyaasigan, ayaa sidoo kale dowladda usoo jeediyay inay la timaado dulqaad iyo karti si meesha looga saaro canaad iyo cariiqsi ka yimaada dhinacyada wax tabanaya, wuxuuna ugu baaqay xukuumadda inay wax ka qabato tabashooyinka ka imaanaya dhinacyada gadoodsan.

Gallan iyo xulafadiisa ayuu ugu baaqay Faarax Cali Shire, in arrinta uu ka joojiyo halka uu marinayo islamarkaan qaab hoose wixii tabasho ah usoo bandhigaan, isagoo xusay in colaad aysan faa'iido lahayn ee ay horseedayso bur-bur, colaad iyo nacayb ka dhex dhashay dadkii ku bahoobay dhismaha Puntland.

Wuxuu xusay in shakhsiyan isagu diyaar u yahay sidii loo xallin lahaa dhibaatada taagan, isagoo sheegay in waqtigan la joogo aysan ahayn xilligii xukuumaddu xalka ka raadin lahayd qori caaraddii.

Hadalkan, ayaa kusoo aadaya xilli maanta isku dhac dhexmaray ciidamada daacadda u ah Guddoomiyihii hore gobolka Bari iyo dowladda Puntland, kaasi oo ay ka dhasheen khasaaro kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM