​Farole oo ka hadlay xulista Barlamanka Somalia [Daawo]

Image

GAROWE- Madaxweynihii hore Puntland ahna murashax u taagan jagada madaxtinimada waddanka Somalia, ayaa ka hadlay soo xulista Barlamanka Somalia ee badali doona kuwa haatan jira, isagoo bulshada ugu baaqay inay ka dig toonaadaan qaladaadkii horey u dhacay inaysan ku lug lahaan mudanayaasha imaan doona.

"Fariinta aan dadweynaha u dirayaa waxa weeye, bacdamaa doorashada soo socota la qaatay 4.5, in ay jiraan niman murashaxiin ah oo iyagu doonaya inay soo xulaan Barlamanka halka dadku uu dooran lahaa." Ayuu yiri Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole.

Farole, ayaa tilmaamay Xildhibaadii ay soo xuleen 135-ta oday dhaqameed in bulshada Somaliyeed iyo beesha caalamka saluug ka muujiyeen, wuxuuna taa badalkeeda codsaday in kuwa haatan imaan doona loo soo xulo qaab hufan isagoo ka digay inay ku lug yeeshaan siyaasiyiinta dantoodu tahay qaabkii kursigaasi ugu soo bixi lahaayeen inay gacan ka gaystaan Barlamanka.

"...Barlamankii kan ka horeeyay, 135-tii oday dhaqameed ay soo xuleen kaligood, saluug baa ka jiray Somali oo dhan xageeda iyo beesha caalamkaba."Ayuu Farole hadalkiisa ku sii daray.

Wuxuu sheegay inuu yahay murashax balse uusan ka qayb qaadanayn soo xulista Barlamanka Somalia, isagoo tilmaamay inuu ku qanacsanyahay mudanayaal ay soo xulaan waxgarad, odoyaal, aqoonyahanno iyo dad reer magaal ah.

Maanta bulshada Somaliyeed waxaan ugu baaqayaa una soo jeedinayaa weel gun buu ka unkamaa, maanta waxaa idin horyaal sidaad u soo dooran lahaydeen Barlamankii idin matali lahaa oo dowlad Somaliyeed oo dhab ah idiin gudbin lahaa, madax Somaliyeed oo hogaan mudan idin ku hogaamisa,  dowladdii Somaliyeed ee sharafta lahaydna soo celisa. Taas oo idin siisa adeegyadii aad rabteen iyo nidaamka federalka ah oo aad idinku ikhyaarkiin ku soo doorataan cidda aad  rabtaan in ay idin  gaarsiiso."Sidaasi waxaa sheegay Murashax Cabdiraxmaan Farole.

Farole wuxuu Barlamanka imaan doona ugu baaqay inay eegaan danta shacabka iyo maslaxadda Somaliyeed islamarkaana doortaan qofka ku haboon oo dalka ka saari kara xaaladda uu hadda ku jiro.

Arrintan ayaa timi kadib markii todobaadkii hore madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole ku dhawaaqay inuu ka midyahay ragga u tartamayada madaxtinimadda waddanka Somalia 2016, isagoo ballan qaaday inuu dalka kusoo celin doono haykalkii iyo kala dambayntii ay lahayd Somalia.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA UU ARRINTAASI FAROLE KAGA HADLAY

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM