Laanta Af-Somalida ee BBC oo qof khalad ah ka wareysatey dagaalka Qandala

Image

GAROWE, Puntland- Laanta Afka Somaliga ee BBC-da oo in kabadan Nus Qarni wararkeeda u soo gudbineysay shacabka Somalida ayaa bishaan 4 teeda sarkaal ay ku shegeen taliyaha ciidamada Badda Puntland ka wareystey dagaalka degmada Qandala.

Idaacaddan oo la aas-aasay 18 July, 1957, ayaa si toos ah ula hadasha waqtiyo kala duwan bulshada ku dhaqan Gees Africa iyo waliba caalamka, waxaana ka baxa 24 saac Afar Barnaamij kuwaasoo lagusoo qaato arrimaha ka taagan dunida iyo Somalia.

Laanta BBC-da oo fadhigeedu yahay  magaalada London ee carriga Ingiriiska, ayaa mudooyinkii dambe waxaa jdhibaato ka haysata inay si dhab ah uga soo waranto  guud ahaan  Somalia, maadaama ay yaryihiin wakiillada u jooga gobolada kala duwan ee dalka Somalia.

Warsidaha GO ayaa fahansan in magaaloyinka Muqdishu iyo Hargeysa labo Wariye oo qura  uga howlgalaan laanta Af-Somalida ee BBC-da halka Puntland muddo 4 sano ku dhow aysan u joogin Wakiil wareed usoo tabiya xaaladaha gobolkaan aadka u balaaran.

Wakiilka wararka uga tabin jirey gobolada Puntland ayaa ahaa Axmad Maxamad Cali Kismayo kasoo shaqada ka tagey 2013. Axmed Maxamed Cali Kismayo ayaa deegaanadaas uga howlgalayay laanta Af-Somalida ee BBC-da muddo ka badan 12 sano.

Laanta  BBC-du oo bulshada Somaliyeed aaminsanyihiin inay tahay isha kaliya ee laga heli xaqiiqada jirta ee wararka Somalia ayaa shacabka dagan Puntland waxaa maalmihii u dambeeyey welwel ku abuurey markii ay xaalada degmada Qandal ka wareysteen qof sheegtey inuu taliye ka yahay ciidamada Badda Puntland kasoo lagu  magacaabo kornayl Cabdinaasir Caynab Cali oo loo yaqaan Xaayow, halka taliyaha rasmiga ah uu yahay Admiral Cabdirasaaq Diiriye Faarax.

Ninkan oo la hadlay barnaamijka Idacaaddaas ee dunida iyo maanta 4 Dec, 2016 ayaa sheegay inay qabsadeen degmada Qandala, isagoo sheegey arrimo kala duwan oo kusaabsan howlgalkaas. Halkan ka dhagayso

Dhacdadan ayaa keentay inay durba ka faa'ideysato laanta af-Somaliga ee VOA waxaana wareysi ay qaadeen taliyaha runta ah ee ciidamadaan kaasoo u sheegey Inuu yahay taliyaha dhabta ah ee ciidamada Badda Puntland islamrkaana magaalada Qandala aan weli gacanta ciidmada dowlada soo galin. Halkan ka dhagayso

" Wareysigaan laanta BBC-da ee Somaliga ka qaadey ninka sheegtey inuu yahay taliyaha ciidamada Badda Somalia waxay tilmaameysaa sida wariye-yaasha iyo tafatirayaasha laantaan aqoon ugu laheyn saraakiisha iyo howlwadeenada dowlada Puntland taasoo muujineysa ineysan wax dan ah ka laheyn idaacadaan qaybaha kale ee Somalia" sidaas waxaa qof ka tirsan dadka dhageysta Idacadaan oo ku sugan magalada Garowe.

Dhinaca kale BBC-da ayaa inta badan dhacdooyinka Puntland ka waraysata wariyahooda ku sugan magaalada Muqdishu, hadii aysan helin mas'uul uga warama xaaladda jirta.

Lama oga sababta ay uga gaabinayso inay deegaanada Puntland BBC-du ka qaadato qof uga warama xaaladaha jira, balse warsidaha GO ayaa fahamsan in warbaahintan saamayn ku yeelatey dhaqaale dhimis lagu sameeyey laanteeda Af-Somaliga taasoo lagu soo koobey maamulka Somaliland, Muqdishu iyo xafiis weyn oo ku yaal Nairobi kuwasoo ka tarjumaya danaha siyasadeed ee dowlada Ingriiska. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM