​Gaas "Dagaalka Galkacyo kasocda lagama soo abaabulin Cadaado"

Image

BOSASO, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas, ayaa maanta kasoo dagay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari, kadib safar qaatay 9 casho oo ku tagay waddamada Imaaraadka iyo Ethiopia.

Mas'uuliyiin katirsan xukuumadda, maamulka gobolka iyo degmada Bosaso, ayaa soo dhaweyn u sameeyay isagoo ka hadlay waxyaabo kala duwan oo dagaalka Galkacyo kamid yahay.

Gaas, ayaa mar uu warbaahinta kula hadlay xarunta ganacsiga Puntland, wuxuu faah faahin ka bixiyay waxyaabaha uu safarkiisu ku qotomay, isagoo sheegay inuu Imaaraadka u aaday barnaamij la xiriira hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo casuumad uu ka helay madaxda waddankaasi, halka Ethiopia uu tilmaamay inuu u tagay waxyaabo la xiriira amniga iyo iskaashi la xiriira la dagaallanka xagjiriinta.

Dagaalka magaalada Galkacyo, ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay in waxa kasocda aysan ka imaana magaalada Cadaado ee laga soo abaabulay magaalada Muqdishu ee caasumadda Somalia isagoo eed dusha uga tuuray dowladda Federaalka Somalia.

” Gaalkacyo waxaa laga wadaa dagaalo, dagaalkaasoo aan aheyn mid laga soo abaabulay cadaado, meeshaa dalka lagaga soo duulayo waa Xamar, waxa ku soo duulaya oo shidada wadana oo mug weyn ku leh waa Dawladda Federaalka Soomaaliya,”Sidaas waxaa shirkiisa Jaraa'id ku sheegay madaxweyne Gaas.

Wuxuu xusay in hadda la wado isbadal dowli ah iyo doorashooyin, balse ay adagtahay sida wax loola wadaagayo xukuumad u istaagtay cadaawad iyo inay waddanka fowdo galiso, waa sida uu hadalka u dhigaye madaxweynaha Puntland.

”Doorashooyin baa laga hadlayaa iyo in dawladd la dhiso, isbadal dowlina yimaado, dabcan cadow duulaan kugu ah hadde si wax loola dhisanayo oo dawladd loola wadaagayo garan maayo runtii,” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweynuhu.

Cabdiwali Cali Gaas, ayaa shacabka ugu baaqay inay u istaagaan sidii loo difaaci lahaa dalka islamarkaana meel looga soo wada jeesan lahaa duulaanka lagusoo qaaday isagoo xusay in wixii dhexdooda ah ee khilaafaad ah si hoose u dhammaystaan.

Abaarta Puntland, ayuu carrabka ku dhuftay, wuxuuna ALLE ka baryay inuu dalka ka saaro xaaladda adag ee Jiilaal iyo Colaad isugu jirta.

Hadalka Gaas, ayaa imaanaya xilli dagaal xoog leh ka socdo magaalada Galkacyo, kaasoo ilaa hadda la xaqiijiyay dhimashada 4 ruux iyo dhaawac 10 kale labada dhinacba, iyadoo hoobiyaal dhowr ah kusoo dhaceen gudaha xarunta gobolka Mudug, taasoo waxyeello kasoo gaartay masaajid iyo guryo dad shacab ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM