Gaas oo la kulmay Odayaasha gobolka Bari

Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta xarunta madaxtooyada Bosaso kula kulmay odoyaasha dhaqanka gobolka Bari, xilli muddooyinkii dambe halkaasi ay ka jireen xaalad amni xumo.

Arrimaha labada dhinac kawada hadleen, waxaa ugu muhiimsanaa sugitaanka amniga gobolka iyo la shaqaynta laamaha ammaanka.

Waxaa goob joog ahaa mas'uuliyiinta gobolka Bari iyo xubno katirsan madaxtooyada Bosaso.

Guddoomiyaha gobolkaas Yusuuf Maxamd Wacays (Dhedo), ayaa goobta ka sheegay in ka maamul ahaan ku dadaalayaan sidii amniga gobolka u noqon lahaa mid hagaagsan, wuxuuna soo jeediyay in Odoyaashu ka gacan siiyaan sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka guud.

Wararka ku xeeran kulankaas ayaa sheegaya in dhinacyadaas isla soo qaadeen xasilooni darrada muddooyinkii dambe taagnayd gobolka iyo bannaanbaxyo yimid kadib markii la xiray Nabadoon Xarrago.

Lama oga waxa arrintaas labada dhinac kagawada hadleen maadama nabadoonka la xiray uu qayb ka yahay duubabka dhaqanka dowladuna ku haysato inuu sharciga ku xad-gudbay.

Waa kulankii ugu horeeyay ee Madaxweynuhu la qaato tan iyo markii magaalada Bosaso u tagay xaaladda amni darro oo taagnayd tan iyo sannadkii hore dhammaadkiisa.

Dowladda Gaas ayaa ku fashilantay inay wax ka qabato amniga gobolkaas, halka uu aad u xoogaystay jariifka lagu hayo xeebaha Puntland gaar ahaan tan Bosaso oo dhawaan soo boox-dhaafiyeen maraakiib shisheeye oo xukuumaddu hishiis lasoo gashay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM