​Gaas "Waxaan doonaynaa inaan dib u cusboonaysiino Axdigii Puntland ee 1998" [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Cali Gaas, ayaa maanta furay shir ay soo qaban qaabiyeen beesha Tanade Daarood ee Leelkase, kaasoo ay ku raadinayeen in la kordhiyo tiradada Xildhibaanada Barlamanka Puntland.

Shirkan oo doorweyn ku leedahay Madaxweynaha Puntland islamarkaana uu dabada ka riixayo Madaxweyne Gaas, ayaa waxaa kasoo qayb galay qaar kamid ah Isimada Puntland inkastoo ay maqnaayeen Isimada ugu tunka weyn Puntland sida; Islaam Ciise, Islaam Bashiir iyo Boqor Burhaan.

Qaar kamid ah Isimadii goobta tagay ee xafladda ka hadlaya ayaa soo dhaweeyay shirka la isugu yimid, waxayna sheegeen inay haboontahay in waxyaabaha jira laga wada hadlo.

Garaad Saleebaan ayaa dhankiisa sheegay in loo baahanyahay war-cad oo ka yimaada dhanka dowladda isagoo codsaday in Gaas iyo Camay daaha ka qaadaan hadii Dastuurka la furi karo  iyo hadii aan la furi karin si aan loo jaah wareerin shacabka.

Balse Wasiirkii hore ee Howlaha Guud Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa madasha ka sheegay in Dastuurka Puntland waligiis la furi jiray islamarkaana dhibaato ka imaan karin hadii laga jawaabo codsiga beesha Tanade.

"Hadii la furo dhagxan soo daadan mayaan, waa la furi jiray, waa lagu dari jiray, waa la furi jiray waa lagu dari jiray," ayuu yiri Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

Isagoo sii hadlaya wasiir Xirsi, wuxuu carrabka ku dhuftay in maalin kasta la furi doono Dastuur cid kastana wax loogu dari doono maadama sida uu hadalka u dhigay Dastuurku uu ka turjumayo masaalixda dadka iyo dalka.

Dastuurka Puntland ayaa sida aan la wada ogsoon yahay waligiis la furin islamarkaana kororsiimo laguma sameyn tirada xildhibanada tan iyo intii dhidabada loo taagey maamulka Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ayaa codsaday in wax laga qabto tabasha beesha Tanade isagoo tilmaamay inay bannaantahay in Dastuurka wax kabadal lagu sameeyo isagoo ku baaqay inuu noqdo mid ay kasoo baxdo miro faa'iido ay ugu jirto beesha iyo dowladda Puntland intaba.

Madaxweynaha Puntland oo jeediyay khudbad dheer ayaa sheegay in beeshan muhiim u tahay jiritaanka Puntland iyo difaaca dalka intaba.

''Jiritaanka Puntland iyo aasaaskeediiba idinkaa saldhig u ahaa, idinkaa buldhig u ahaa inay Puntland  midnimadeedii sii sugnaato, is jacaylkii iyo mar xabayntii dadka Puntland ka dhexayseyna sii socdaan weli masuuliyadeedii idinkay idin saaran tahay, qofka siyaasiga ahi waana imaanayaa waana tegayaa, laakiin idinka masuuliyad kale oo aan dhammaanayn ayaa idin saaran ilaa aad ka god-gashaan.'' ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

''Waxaan rabaa in wax ka iraahdo in beeshani laba siyaaboodba Puntland muhiim ugu tahay, waxay muhiim ugu yihiin difaaca iyo jiritaanka Puntland, midnimadda Puntlandna muhiim ayay u yihiin, waxaa jirta haddaba tabasho, ka jirta matelaadda shacbiga ee Baarlamaanka, tabashadaasi muday soo jirtey, waana soo socotey, waxayna u baahan tahay in wax layska yiraahdo lagana jawaabo,'' Ayuu yiri Cabdiwali Gaas.

Gaas ayaa sidoo kale cadeeyay inay ka go'antahay ka jawaabista Cabashada beesha.

''Anigu ka Madaxweyne ahaan waxaan aamin-sanahay in tabashadaasi tahay mid dhaba, Illahay hortii ayaan saas u leeyahay, xaashina ma-qareen isumanakiin yeedheen hadaanan aaminsanayn, laakiin ma'aha wax aniga gacantayda kujira, waxaan rabaa in laga jawaabo, si xaqiiqa oo dhaba aad uga  jawaabtaan, arrinta dastuurka, sidiisaba dastuur waxaa inaga inoo ah diinteena islaamka ( kitaab keena iyo sunadda Nebigeena Maxamed ''SCW'' ), markaan ka hadalo datuurka aan qoranay, dastuur sidiisaba markay dawladdi dhigato waxaa la yiraahdaa  waa document nool (Living Documentry) maalintii  laqoruu dhintay ma aha, waa soconayaa waxaa la rabaa tariikh kasta iyo jiil kasta amuuraheeda, dhibteedda iyo tabashadeeda inuu ka jawaabo,'' Sidaas waxaa hadalkiisa ku daray Madaxweynaha Puntland.

Arrintan ayaa muddo ka socotay deegaanada Puntland, waxaana  horay u diiday Barlamanka oo dib u celiyay warqad uga timid Madaxweynaha oo ku raadinayay in xubno dheeri ah lagu daro tirada Xildhibaanada iyadoo aheyd mid ka hor-imaaneysey Dastuurka Puntland qodobkiisa 60aad.

Waxaa jira warar sheegaya in Madaxweynaha Puntland iyo tageerayaashiisa dhinaca siyaasada arinka fürista Dastuurka ugu hoos jirto kororsi uu damacsan yahay inuu ku sameeyo mudada xilka uu hayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM