GALGALA: Qarax lala eegtay Kolonyo katirsan ciidanka Puntland

Image

GALGALA, Puntland- Wararka ka imaanaya buuralayda Galgala ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in qarax lala eegtay kolonyo katirsan ciidanka difaaca Puntland oo marayay mid kamid ah waddooyinka gala magaaladaas.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa asiibtay mid kamid ah gawaarida ciidanka, waxaana lagusoo waramayaa inuu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Weerarkaas waxaa ku dhintay 8 kamid ah ciidamada Puntland ee kolonyadaas la socday, waxaana isla goobta ku geeriyooday 6 askari, halka labada kale ay ku dhinteen Bosaso.

Dhaawacyada qaraxaas ayaa loo soo qaaday magaalada Bosaso kuwaasoo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Ciidanka la qarxiyay ayaa la rumaysanyahay inay ka tageen magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga iyo talisyada ciidanka Puntland, kaasoo ku aadan qaraxa ka dhacay Galgala.

Balse kooxda Al Shabaab ayaa ku baahisay barahooda internet-ka ee taageera inay dileen 6 katirsan ciidanka Puntland iyagoo sheegtay mas'uuliyadda qaraxaas.

Buuraha Galgala, wuxuu muddo ku sugnaa mintidiin taabacsan ururka Al Shabaab, kuwaasoo ay horfadhiyaan ciidamada Puntland, waxayna dhowr jeer oo hore qarax ku waxyeelleen ciidamada Puntland oo inta badan adeegsada jidadka gala buurahaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM