Ganacsatada oo diidey lacagta Shilin Somaliga ee Puntland daabacdey, D. Hoose Garowe oo ka hadashay

Image

GAROWE, Puntland_ Maamulka dowladda hoose ee Garowe ayaa ka digay in la kala soaco lacagta Shilin Somali-ga ah waxaana arrintan timid ka dib markii ay soo baxeen in suuqyada Garowe  kala saarayaan lacagta oo Kunka shilin isla markaana iskugu jira mid cusub iyo mid duuga .

Xoghayaha dowladda hoose ee Garowe Cabdiqafaar Cabdiraxmaan oo wariyeyaasha kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay inay soo gareen cabashooyin ku aadan in lacagta ay ganacsatada suuqa weyn ee Garowe ay kala saarayaan .

“Maalmihii la soo dhaafay magaalada Garowe waxaa ka jiray suuqa weyn ee ganacsiga ee Inji iyo ganacsatada arrin aanan doonayn inay sii socoto waxaa lanoo sheegay dad ganacsato ah oo kala soocaya lacagta Shilin Somaliga ah ee Kunka ah”ayuu yiri Cabdiqafaar Cabdiraxmaan.

Xoghayaha ayaa intaas ku daray in arrintan ay dhaqaale bur bur ku keenayso dalka isagoo xusay inay jiraan dad khal khal gelinya ganacsiga iyo dhaqaalaha kuwasoo kala saaraya Lacagta oo ka kooban kun Shilin oo keliya.

“Haddaanu nahay maamulka dowladda hoose ee Garowe waxaanu qaadnay talaaboyin shalay waxaan booqanay suuqa Inji waxaan la shirnay sarifleyaasha,kuwo khudaarata gada kuwo hilibka iyo kuwo saylada xoolaha ka ganacsada maantana waxaana booqanay bakhaarleyada waxaanu kala hadalnay in aan lakala soocin lacagta”.ayuu yiri xoghayaha dowladda hoose Garowe.

Cabdiqafaar ayaa sheegay in qaybaha ganacsatada ee ay la kulmeen ay qateen amarada maamulka dowladda hoose isagoo sheegay in ay ganacsatadu qayba ay qaybta kele ku eedaysay arrintan balse ugu danbayn la isla ogolaaday inaan la diidin qayb ka mid ah lacagta.

Tan iyo markii gobollada dhexe iyo koonfurta laga diiday lacag Somaliga dib loo daabacay ee cusub waxa yimid wel wel ku yimid ganacstada waxaana dhanka Puntland ay ka bilabantay kala soocida lacaguhu magaalada Galkacyo oo la soo geliyey lacagihii laga diiday gobollade dhexe.

Diidmada lacagta ayaa waxaa keeney kadib markii ganacsatada Koonfurta Somalia diideen Lacago Shilin Somali ah oo maamulka Puntland daabacdey.

Inta badan deeganada Puntland ayaa waxaa ka jira sicir barar taasoo la isku raacsan yahay inay sabab u tahay lacagta ay xukuumaddu daabacday oo hoos u dhac ku keentay lacagta Shilin Somli-ga.

Qodobada lagu eedeyey 18,7,2017 markii la jeedinayey arrimaha golaha Barlamanku u cuskanayo xasaanad kala noqoshadii golaha wasiirrada sicir barar iyo dhaqaale bur bur ku yimid Puntland.

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM