​Garowe: Dad ku dhintay muran ka dhashay Dhul

Image

GAROWE, Puntland- Dagaal khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka ka dhacay duleedka magaalada Garowe caasumadda Puntland gaar ahaan dooxada Jibagalle.

Isku dhacan oo u dhaxeeyay kooxo iska soo horjeeda oo muddooyinkii dambe ku muransanaa dhul ayaa lagusoo waramayaa inuu sababay dhimashada 2 qof iyo dhaawac saddex kale.

Kooxaha dagaallamada midkood waxay taabacsanaayeen Dariiqada Xerta iyadoo dagaalkaas la isu adeegsaday qoryaha fudud.

Dadkii ku dhaawacmay dagaalkaas ayaa la keenay magaalada Garowe, waxaana ku baxay ciidamo kasocda dowladda kuwaasoo kala dhexgalay mallayshiyaadka labada dhinac.

Dagalkan ayaa yimid xilli shalay aad looga hadlay muranka dhulka iyo dhibaatada uu ku hayo caasumadda.

Sanadihii u dambeeyay waxaa sii xoogaysanaya magaalada Garowe dilalka ay geysanayaan kooxaha Burcad Dhuleedka mana jirto ilaa iyo hadda talaabo ku haboon oo uu ka qaaday Maamulka Puntland.

Dhacdadii ugu dambaysay ayaa la xariirtay murano kale oo dad ku dhinteen kuwaasoo salka ku haya Dhul boobka iyo khilaafaadka ka dhasha.

Xiisadda dagaalkii saaka ayaa laga dareemayaa goobaha la isugu yimaado inkastoo ilaa hadda dhacdadaas aysan ka hadlin xukuumadda Puntland oo lagu eedaynayo inay aad uga gaabisay wax ka qabashada masiibadan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM