Golis oo lacag ku wareejisay Guddiga Garoonka Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Shirkadda Isgaarsiinta Golis ayaa maanta Lacag kabadan 50 kun oo dollar ku wareejisay Guddiga Layr galinta garoonka diyaaradaha magaalada Garowe.

Lacagtan ayaa qayb ka ahayd qoondo laga qaadayay dhammaan shirakaadka kala duwan ee ka shaqeeya caasumadda Puntland, waxaana sidoo kale lasocday lacag lagasoo qaaday shaqaalah shirkaddaas.

Munaasabadda lagu wareejinayay lacagtan oo ka dhacday Garowe, waxaa kasoo qayb galay Madaxweynihii hore Puntland hadana ah xubin kamid ah Aqalka Sare, Cabdiraxmaan Farole, Xildhibaano, wasiirro, guddiga ka shaqaynaya arruurinta lacagta, haween iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Qaar kamid ah culimada oo ka hadlay wareejinta lacagtan ayaa sheegay in camalkan uu kamid yahay kuwo ALLE xagiisa loogu dhawaado iyo sadoqooyinka jaariga ah ee jiri doona.

Guddiga ayaa dhinacooda faah faahin ka bixiyay lacagaha, waxayna u mahadceliyeen shakhsiyaad iyo shirakaad ka qayb qaatay in gurmadka la bixiyo iyagoo xusay inay sii wadi doonaan ilaa laga gaaro hadafka la hiigsanayo.

Cabdiraxmaan Farole oo qay ka ahaa dadaallada layrka lagu galinayo garoonka diyaaradaha Garowe, ayaa ku baaqay in laga qayb qaato casriyaynta garoonkaas oo uu sheegay inuu ahmiyad weyn ugu fadhiyo guud ahaan shacabka Somaliyeed.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, ayaa dhankiisa xusay in shacabka qaybihiisa kala duwan kala qayb qaateen dadaallada lagu casriyaynayo madaarka Garowe.

Islaam Islaam Ciise Islaam Maxamed, ayaa ugu dambayn xafladdaas soo xiray, wuxuuna ugu baaqay bulshada in loo istaago caawinta shacabka iyo hormarinta dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo soo jeediyay in  shaqada loo fududeeyo guddiga isu xil-qaamay inay garoonka galiyaan Layr.

Wajiga Kowaad dhismaha Madaarka Diyaaradaha Garowe, ayaa dhammaaday waxaana la filayaa in qaybta labaad la bilaabo.

Qorshahan ayaan ku jirin mashruuca garoonka lagu dhisayo, balse waa hadaf iyo barnaamij ay soo jeediyeen wax-garadka caasumadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM