​ICRC oo cunto u qaybisay dadka abaartu saamaysay

Image

GAROWE, Puntland- Waqti ay sii kordheyso walaacyada ku saabsan abaarta daran ee ka jirta Somalia, ayaa Guddiga Caalamiga Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed(SRCS), cunto u qaybiyeen dad gaaraya 140,000 qof oo kusugan qaybo kamid ah Puntland iyo Koonfurta Somalia.

Cunto qeybinta oo bilaabatay toddobaadkan waxay ka socotaa gobolada  Sool, Sanaag, Nugaal, Hiiraan, Bari- meelaha abaartu ku dhufatay iyo 114 tuulo oo ka kala tirsan degmooyinka Ceel-buur iyo Matabaan.

Qoraal kasoo baxay hay'addaas ayaa lagu sheegay, "Dadka helay gargaarka waxaa ku jira 85,000 qof oo  barakacayaal ah oo si aad ah u nugul. Waxay kaloo heli doonaan dermo, maacuun, baco iyo xirmooyin ay ku jiraan alaabta fayo-dhawrka."

Hay'adda ayaa sidoo kale sheegtay in Maalmaha soo socda dad gaaraya 100,000 qof oo dheeraad ah ay heli doonaan lacag caddaan ah iyo waxyaabaha lagama maarmaanka ah.

“Abaartan wax aan ka oran karo ma jirto. Dadku waa ay bukaan. Caruurtu waa ay shubmayaan,” sidaa waxaa yiri Sareedo Xaaji Jaamac, oo ah hooyo ku nool xero barakac oo ku taalo tuulada Godqaboobe.

Cuntadu waxay gaareysa muddo hal bil ah waxaana bisha Maarso lagu dari doonaa deeq lacageed oo caddaan ah si qoysaska ula tacaalaan intii laga gaarayo xilli roobaadka soo socda (roobabka Gu’ga) oo la filaayo inta u dhaxeyso bilaha Abriil iyo Maajo.

Xaaladaha abaarta oo laga dareemay dalka oo dhan, ayaa loo qorsheeyey in adeegyo dheeraad ah la gaarsiiyo koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Maalmaha soo socda ICRC waxay taageero u qeybin doontaa dad gaaraya 100,000 qof  oo ku sugan degmooyinka Matabaan( Hiiraan), Luuq iyo Baardheere(Gedo),  Badhaadhe iyo Kismaayo (Jubbada Hoose).

“Cuntadan waxay qoysaska dhibaateysan oo haystaan fursado yar ka heli doonaan nafis yar oo ku meel gaar ah,” waxaa yiri Jordi Raich, madaxa hawlaha ICRC Soomaaliya. Laakiin xaaladdu waa ay ka fog tahay in ay dhammaatay, waxaan ballaarin doona jawaab celinteena deg deg ah oo aan gaarsiin doono qeybaha kale ee dalka. Tani keliya waa wajiga koowaad jawaab celinta deg degga ah ee ICRC iyo SRCS ka bixiyaan xaaladda aadka u daran walaaca leh oo ka jirta Soomaaliya.”

Hay'adda ayaa ugu dambayn ballan qaaday inay caawin doonto dadka dhibaatadu kasoo gaartay abaarta gaar ahaan cudurrada safmarka ah, iyadoo ballanqaaday inay hagaajin doonto Ceelashada biyaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM