​Jaamacadaha Puntland oo ku midoobay Urur lagu aas-aasay Garowe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta magaalada Garowe lagusoo gaba-gabeeyay shir Muddo Labo maalin ah u socday Xubno wakiil ka ah Jaamacadaha Puntland, kasoo ay ku dooranayeen hogaanka, Dastuurka ururka Midowga Jaamacadaha Puntland.

Kulankan oo sannadkii saddexaad la qabanayo ayaa lagu doortay Guddoomiye iyo ku-xigeen kuwaasoo loo kala doortay Hormuudka Jaamacadaha GTEC iyo Red Sea.

Hormuudka GTEC, Cabdiraxmaan Sheekh Doon ayaa loo doortay Guddoomiye, halka ku-xigeen laga dhigay Cabdullaahi Sheekh.

Munaasabada lagusoo Daah-furayay Ururkan, waxaa kasoo qayb Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland, PUNSAA, iyo mas'uuliyiin kala matalayay jaamacadaha iyo machadyada;

Guddoomiyaha Jamaacadda Bariga Africa, Aadan Sheekh Doon Cali oo bogaadinayay in EAU University marti galiso Shirkan lagu aas-aasayay urur ay ku midoobeen Jaamacadaha Puntland, wuxuuna tilmaamay inay waxbadan oo dhanka hormarka ah soo kordhin doonaan.

Sheekh Doon ayaa xusay inay u taallo ururka shaqo badan, isagoo xusay in loo dadaalo sidii meel loo midayn lahaa cilmiga iyo tababarta Jaamacadaha Puntland iyadoo qorshuhu yahay in hormar la gaaro.

Maxamud Sheekh Xaamud oo isna ah Guddoomiyaha Jaamacadda PSU, ayaa faah faahin ka bixiyay barnaamijkan, isagoo tilmaamay in lasoo qabtay howl aad u badan, isagoo tilmaamay in shirki Koowaad ay marti galisay Jaamacadda Puntland State University, halka shirarkii 2aad iyo 3aad ay kala qabteen; Red Sea, Bosaso iyo Jaamacadda Bariga Africa.

Xaamud, ayaa dowladda iyo hay'adaha caalamiga ah ka codsaday inay taageeraan si loo helo aqoon tayo leh, wuxuuna codsaday in la xakameeyo hay'adaha waxbarasho ee sida micno darrada ah loo furanayo.

"Waxaan ku boorinayaa Wasaaradda in Jaamacadaha la taageero oo la dhiirigaliyo, kuwa furmayana si gooni ah isha loogu hayo," Ayuu yiri Maxamud Sheekh Xamud.

Isagoo sii hadlaya wuxuu sheegay, "Adduunka heel la isku xiranyahay ayaa la marayaa, maanta ma arko sabab inagoo aad u yar aan isugu xirmi weyno."

Dr. Siciid Faahiye, oo matalayay Jaamacadda VU oo taageeraysay Dhaqaalah ku baxayay barnaamijkan, ayaa xusay in xooga Jaamacadaha Puntland oo la mideeyo laga faa'iidi doono hormar laxaad leh, wuxuuna ku booriyay ururka Jaamacadda.

Eng. Faataxo oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Global Sceince ayaa yiri, "Runtii labada shirba waan joogay aniga ayaana matalayay Jaamacada aan ka socdo, runtii waxay ahayd howl aad u wanaagsan. Aada ayaan ugu faraxsanahay inaan yeelano Dastuur, doorano hogaan Guddoomiye iyo Ku-xigeen."

Faataxo, ayaa hadalkiisa ku daray, "Waxaan leeyahay ururkeena Guul, Hogaankeenana Guul, waxaanse codsanayaa oo cadaalad noqon doonta Galkacyo Gees ayay ku taalla in dhammaan reer Garowe iyo Bosaso aan Galkacyo ka helo shirkan shirka xiga ee aan Marti Galin doono."

Guddoomiyaha Guud ee Bangiga Axmed Siciid Cali Shire oo hadal ka jeediyay Xafladda, ayaa ammaanay aqoonta ay bixiyaan Jaamacada Puntland, isagoo xusay in hormarka shirkaduhu gaareen ay iyagu mas'uul ka yihiin.

"Markii Ustaad Bin Diiriye yeerinayay Liiska Jaamacadaha waan qorayay, waxaad moodaa inay noqotay Muqdishu, maanshaa allaah waan soo dhaweynayaa, anaga ka AMAL ahaan waxaan aad ugu faa'iidnay Arday kasoo baxda saddex Jaamacadood ee kala ah; East Africa Unirsity, PSU iyo Muqdishu University oo hadda la baxday Red Sea," Ayuu yiri Saciid Cali Shire.

Mustafe Cabdullaahi oo ka soday Dallada ururrada aan dowliga ahayn ee PUNSAA, ayaa hambalyo u diray mas'uuliyiinta loo doortay ururka Midowga Jaamacadaha Puntland, wuxuuna intaas ku daray inay soo dhaweyn doonaan islamarkaana la shaqayn doonaan.

"Anigu waxaana kamid ahay dadka wax ku bartay dalka, waxaana ka baxay Jaamacada Bariga Africa, anigoo aaminsanahay inay wax badan nagusoo kordhin doonaan oo ay noo yimaadaan, anaguna waan la shaqayn doonaa. PUNSAA, waxay ku boorinaysaa Jaamacadaha Puntland in dadaalkooda ay sii wadaan," Ayuu yiri Mustafe.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Jaamacadaha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Doon oo ka hadlayay ujeedka loo sameeyay ururka ayaa sheegay inay tahay sidii loo heli lahaa isku xir iyo wada-shaqayn dhexmara goobaha tacliinta sare iyo sidii loo soo saari lahaa dad leh aqoon sare.

"Waxaan rajaynayaa in ururka shaqeeya, waxaad ogootaan cidda ururkan saldhiga u ah, dooratay waa idinka, shaqada hortaalla idinka ayaa ku gacan siin kara," Ayuu yiri Sheekh Doon.

Guddoomiyaha ururka oo sidoo kale ah Hormuudka Kulliyada Tababarka Macalimiinta ee GTEC, ayaa sheegay, "Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu nagu guuleeyo xilkan adag ee naloo dhiibay oo sannadkan sannadkiisa kale aan soo gudbino war-bixin iyo wax-qabad ballaaran."

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Abshir aw-Yuusuf Ciise oo soo xiray xafladda lagu daah furayay ururka ayaa soo dhaweeyay Midowga Jaamacadaha Puntland, isagoo ku tilmaamay in arrinta dhabada u xaarayso sidii ay u wanaagsanaan lahayd tayada goobaha waxbarashada.

La shaqaynta Wasaaradda Waxbarashada ayuu sheegay inay fududaynayso islamarkaana si sahlan lagu ogaan karo baahiyaha Jaamacadaha Puntland.

"Waxaan u baahanahay in wasaaradda iyo ururkaan iskaashadaan oo loo soo jeedsato xaga sare oo gacan la siiyo Jaamacadaha anagoo ku dadaali doona inaan gaarno meel sare oo dhaqaale la raadiyo. Hadda waxaad maraysaan meel wanaagsan oo runtii aan faan ahayn," Ayuu yiri wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale hambalyo u diray Guddiga la doortay iyo dhammaan intii ka shaqaysay howshan, isagoo ku baaqay in la caawiyo ururka si hadafyadiisa looga miro dhaliyo.

Ugu dambayntii shirkii labadii cisho ee ugu dambaysay ka socday magaalada Garowe, ayaa lagasoo saaray War-murtiyeed ka hadlaya waxyaabihii lagu isku waafaqay. Halkan Akhariso

Ururkan oo ay ku midoobeen 12 Jaamacadood iyo Saddex Machad ayaa noqonaya kiigu ugu horeeyay ee bahda tacliinta sare aas-aastaan, wuxuuna kusoo aaday xilli dhawaan golaha wasiirrada meel-mariyeen Xeerka Tacliinta sare oo iminka horyaalla golaha Wakiillada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM