Jariiflayaal rasaasayn ka gaystay Marraya gobolka Nugal

Image

GAROWE- Gudoomiyaha tuulada Marraya oo hoos tagta degmada Eyl gobolka Nugal, ayaa cabasho xooggan kamuujiyay Jariiflayaal uu sheegay inay usoo dhaadhaceen Barriga halka awal ay ka qowlaysan jireen biyaha.

Cabdirashiid Xassan Bootaan oo lahadlay Radio Garowe, ayaa sheegay inay jiraan Jariiflayaal kasocda dalalka Yemen,Pakistan iyo Iran, islamarkaana rasaasayn ka gaysteen xeebta tuulada Marraya iyo deegaano hoos yimaada, wuxuuna tilmaamay inay ujeedkoodu tahay qaabkii xeebaha uga qaadan lahaayeen agab u sahlaya Kalluumaysiga.

Jariiflayaasha ayuu tilmaamay inay ku hubaysanyihiin qoryahay fud-fudud.

Wuxuu tilmaamay raasaas ay rideen inay u tagtay dad xoolo dhaqo ah, isagoo sheegay in ciidamada Badda Puntland oo arrinkaasi lagu wargaliyay u sheegeen inaysan maandayd u haysan howlgal ka fuliyaan barriga.

Bootaan, ayaa xusay inay sameeyeen isu soo baxyo arrintaasi looga hadlayo, isagoo sheegay in dalbanayaan gurmad si looga baaqsado in shacabka deegaanadaasi is abaabulaan oo badda fulaan.

Arrintaasi, ayuu xusay inay sahli karto soo laabashada Burcad badeedii Puntland laga suuliyay sannadkii 2012.

Dowladda Federalka Somalia, Puntland iyo beesha caalamka ayuu u diray guddoomiyaha tuuladaasi baaq ku aadan qaabkii wax looga qaban lahaa isagoo codsaday inay helaan jawaabta ugu horaysa caawa.

Maaha markii ugu horaysay cabasho katimaado xeebaha gobolka Nugal, waxaana inta badan dadku ka cowdaan Jariiflayaal kasocda dalal dhawr ah, waxaana  Madaxweyne Gaas hadda ka hor isagoo ka hadlayay magalada Bosaso xaalufka xeebaha Puntland ku sifeeyay masiibo qaran, balse majirto wax tallaabo ah oo xukuumaddu qaaday xilli dadweynaha qaybtood ku dhaliilayaan inay ku lug leeyihiin arrintaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM