Madaxweynaha maamulka Galmudug oo loo diidey wadaxajoodka Galkacayo

Image

GALKACAYO, Puntland- Magaalada Galkacayo oo maanta la filayey inuu ka dhaco kulan loogu hadlayo sidii loo joojin lahaa colaada maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ku dhacey dib u dhac.

Madaxweynaha Puntland iyo madaxa qaramada midoobey arimaha Somalia ayaa ku sugan garoonka diyaardaha magaalada Galkacayo halkaas oo la filayo inuu ka dhaco shirka labada maamul.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa wararka soo gaaraya GO sheegayaan in qabaa'ilka gobolkaas daga kuwasoo diidan in wadahadal nabtadeed ay u diedeen inuu tago garoonka Galkacayo.

Dhinaca kale warar ayaa sheegaya in Ra'isal wasaaraha Somalia soo gaarey magaalada Galkaayo isagoo la sheegey in xaafada Baraxley kula kulmayo madaxwynaha maamulka Galmudug si uu ugu qanciyo beelaha maamulkaas iney qayb galaan kulankaan.

Magalada Galkacayo ayaa wayadaan waxaa ka socdey dagaalo u dhexeeya maamulada Puntland iyo Galmudug.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Badda Puntland oo “ka hortagay” qorsheyaal abaabulan

Ciidanka ayaa si adag u dardargeliyey sugidda Amniga xeebaha Badweynta Hindiya ee Puntland.

  • Puntland

    15-04-2024

  • 05:29AM

Puntland oo qabatay burcad-badeed $5 milyan ku heshay afduubka markab

Lama xaqiijin in lacagtii madax-furashada ahayd ee la siiyay burcad-badeedda la soo qabtay intii howlgalku socday.

  • Puntland

    14-04-2024

  • 07:31AM