Madaxweynaha Puntland oo daah-furay Siyaasadda Daryeelka Carruurta Dayacan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 26 March 2017 Magaalada Garoowe ku daahfuray siyaasada daryeelka dadban ee carruurta dayacan ee ku dhaqan gobolada Puntland.

Munaasabadda lagu daah-furyay siyaasaddan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland, waxaa kasoo qayb galay, wasiirka wasaaraddaas, Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin, Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Abshir aw-Yuusuf Ciise, wasiir ku-xigeennada wasaaraddaha Caafimaad iyo Maaliyadda, xubno kasocday hay’adaha Save the Children, UNICEF, EU iyo ururrada kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimada Garowe.

Wasiirka wasaaradda Haweenka Puntland, Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin, ayaa sheegtay in siyaasadda saamaxayso sidii daryeel buuxa loogu heli lahaa carruurta dayacan ee ku sugan deegaanada Puntland.

Anisa, ayaa sheegtay inuu siyaasaddan sidoo kale damaanad qaadayso in la helo xarun dhexe oo sitoos ah looga hago daryeelka dhallaanka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiwali Cali Gaas, oo si rasmi ah u daah-furay Siyaasadda Daryeelka Dadban ee Carruurta dayacan, ayaa ku aamaanay Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha qoyska ogaanshaha iyo daryeelidda ay had iyo jeer la garab taagan yihiin caruurta yar -yar iyo qaysaska tabarta yar ee ku dhaqan Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in ay jiraan caruur yar-yar oo ku dhaqan Puntland kuwaas oo aan haysan daryeelkii ay u baahnaayeen, isagoo soo jeediyay in loo istaagu sidii wax looga qaban lahaa dhibaatoyinka nololeed ee hortaagan.

Wuxuu xusay in siyaasaddan ujeedkeedu yahay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka haysta dhallaanka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas ayaa sheegay in masuuliyada iyo waajibka saaran dawladu tahay in ay ilmo walba oo Puntland udhashay kuna dhashay ay ogaato xaaladda uu ku noolyahay iyo waxa uu u baahan yahay.

Siyaasaddan la daah-furay ayuu Madaxweynuhu xusay inay hagayso musuuliyada saaran hay'adaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ee ka howlgala Puntland, wuxuuna xusay in dhowaan hirgelin doonto goobo cusub oo lagu xanaanayn doono carruurta dayacan.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli ay jiraan carruur aan helin xuquuqdii ay lahayeen sababo ay kamid tahay waalidiintood oo dhintay, kuwo kasoo barakacay goobihii ay ku dhasheen iyo qaar ay samaysay duruufaha nololeed ee haysta qoysaskooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM