​Madaxweynaha Puntland oo tagay degmada Qandala

Image

BOSASO, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas, ayaa maanta safar dhinaca Badda ah ku tagay degmada Qandala ee gobolka Bari, halkaas oo sannadkii hore ciidamada difaacu ka saareen mallayshiyaad katirsan Daacish oo muddo bil ah gacanta ku hayay.

Socdaalka Gaas ee degmadaas ayaa lagu sheegay inay tahay u kuurgal xaaladda amniga ee Qandala iyo sidii dadka deegaanka ugala hadli lahaa ilaalinta deegaanka iyo la shaqaynta ciidamada amniga.

Dadka deegaanka iyo maamulka Qandala ayaa soo dhaweyn  u sameeyay wafdiga Madaxweynaha, waxaana la filayaa inay kulamo kala duwan qaataan inta uu halkaas ku suganyahay.

Lama oga inta uu halkaas kusii sugnaan doono, balse waxaa la saadaalinayay inuu mari doono gobollada dhaca Bariga Puntland, halkaasoo ay isugu tageen qoysas reer Guraa ah oo kasoo barakacay abaaraha ka jira dalka.

Dadkaas oo ku jira xaalad adag ayaa la sheegay inuu madaxweynuhu soo arki doono, waxayna badankoodu ku suganyihiin nawaaxiga degmada Bandarbayla gobolka Karkaar.

Majirto wax taakulo ah oo dowladda gaarsiiyay, waxaana Guddoomiyaha degmada Bayla oo la hadlay warbaahinta uu sheegay inay fadhiid nodeen wasaaradihii howshaasi u xil-saarnaa.

Maaha markii ugu horaysay Madaxweynaha Puntland safar ku tago deegaanada dhaca xeebaha Puntland, balse wuxuu socdaal ku tagay degmooyinka ku yaalla bariga fog sida Bargaal isagoo ka sameeyay ballanqaadyo kala duwan, waloow aysan jirin ilaa hadda wax ka fulay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM