​Madaxweyne Gaas "Ganacsatada diidan Canshuurta Shabaab ayay siiyaan" [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Gaas oo warbaahinta shir jara'id ugu qabtay magaalada Garowe, ayaa ka hadlay qaadista canshuuraha, isagoo tilmaamay in Puntland canshuur laga qaado aysan jirin marka laga yimaado khidmado yar yar.

Gaas, ayaa tilmaamay in Canshuurta la qaadayo lagu sugayo amniga islamrakaana wax looga qabanayo adeegyada, waxbarashada, caafimaadka iyo hormarka, wuxuuna ku baaqay in ganacsatada Puntland u hogaansamaan bixinta Canshuurta ku waajibtay.

Isagoo ka hadlay cabashada gacansatadu ka keeneen lacagta macaashka Daaraha, wuxuu Madaxweynuhu tilmaamay inay tahay khidmad yar oo ay bixin karaan dadka reer Puntland islamarkaana cida laga doonayo ay tahay qofka qaadanaya Ijaarka guriga oo laga rabo khidmad dhan 4%.

Wuxuu tusaale usoo qaatay Khimadihii uu bixin jiray markii uu ku noolaa Maraykanka isagoo sheegay in dowlad kasta waxa ay ku shaqayso tahay Canshuurta laga qaado muwaadiniinta qofkii bixin waayana loo arkayo qaran dumis.

"Qofka ganacsiga ku leh Bosaso amniga ku haysta doonaya in ganacsigiisu isaga kala goosho guud ahaan dalka waa inuu bixiyaa khidmadda ku waajibtay," Ayuu yiri Gaas.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale eedayn usoo jeediyay Ganacsatada Bosaso oo uu sheegay inay taageeraan kooxda Al Shabaab islamarkaana lacago baad ah waqti kasta bixiyaan, halka ay diidanyihiin mida wax loogu qabanayo ee dowladdu ka rabto.

"Waxaan ognahay oo aan idiin sheegaya marka kuwa intaas diidan oo dowladnimada yacni shidaynaya in qaarkood ay lacag siiyaan Al Shabaab," Ayuu yiri Gaas.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa raacshay, "Inta loo yimaado xitaa lama baryo oo lama dhaho bixiya  canshuurta ee taleefon ayaan loo soo diraa taleefon ayayna ku bixiyaa."

Cabdiwali Gaas oo fasirayay sababta dowladda ay ugu diidanyihiin islamarkaana Shabaab u siiyaan ayaa yiri, "Maxay tahay marka micnaha Shabaab loo siiyo canshuurta dowladdana loogu diidanyahaya, Micnaheedu Shabaab waan ka baqaynaa waana na dilayaan, lakiin dowladdu nama dili karto namana xiri karto, marka waxay rabaan inaan sida Shabaab ula dhaqano."

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dadka sidaas u dhaqmaya ee taageeraya kooxda Al Shabaab canshuurta dowladana diidan, inaysan uga duwanayn kooxda Al Shabaab oo Puntland dagaal kula jirta.

"Waa qof raba inuu dalkan dhaxal wareejiyo kuna wareejiyo kooxda Al Shabaab," Sidaas waxaa shirkiisa jara'id ku daray Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku goodiyay in dadkaas oo uu sheegay inay yihiin tiro yar oo kamid ah shacabka Puntland ee jecel dowladnimada iyo kala dambaynta ka qaadi doonaan tallaabada kaga aadan.

Waa markii saddexaad oo xukuumadda Puntland si kulul uga hadasho Cabashada ganacsatada Bosaso ka keeneen lacagta macaashka daaraha oo aysan horay u qaadi jirin dowladdu, waxaana muddo ku dhow todobaad xiran Dukaamada waaweyn ee xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso.

Qaar kamid ah ganacsatada oo si hoose ula hadlay GO ayaa sheegey in sababta cashuurta u diidan yihiin tahay iyagoo kalaooni ku qabin qaabka loo isticamaalo dakhliga dowlada ka ururiso ilaha dhaqaalaha.

Lama oga waxa arrintan ka badali doonto mowqifka Ganacsatada Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM