Madaxweyne Gaas oo isku Shaan-dhaynaya golaha Wasiirrada Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Wararka uu Warsidaha Garowe Online ka helayo ilo lagu kalsoonayahay oo ka agdhow Madaxtooyada Puntland, ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas qorshaynayo isku Shaan-dhayn uu ku samayn doono golahiisa wasiirrada.

Tallaabadan oo war rasmi ah laga hayn xilliga ay dhici doonto, ayaa wararku sheegayaan in  Madaxweynaha Puntland Xilalka ka qaadi doono mas'uuliyiin katirsan xukuumadda halka Jagooyin bannaana Wasiirro cusub usoo magacaabi doono.

Gaas ayaa la filayaa inuu shaqada ka cayriyo wasiirro badan oo shaqadoodu aad u wanaagsantahay sida aan kasoo xiganayno xogta ku saabsan isku shaan-dhaynta Madaxweynuhu samayn doono maalmaha soo socda.

Sida uu fahamsanyahay GO, Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa magaalada Bosaso u tagay arrimahaas inkastoo ay isku khilaafsanyihiin isaga iyo Madaxweyne Gaas tallaabooyinka qaybtood.

Labadan mas'uul uu muddooyinkii dambe xumaa xiriirkooda wada-shaqayneed ayaa wararku waxay tilmaamayaan inay isku fahmi la'yihiin tallaabooyin dhowr ah taasoo Madaxweyne Gaas rabo inuu xilalka ka qaado Wasiirrada qaybtood.

Camay, ayaa ku adkaysanaya in isbadal lagu sameeyo golaha shaqadoodu fadhiidka ka tahay, halka Madaxweyne Gaas arrintaas ka dhago adaygayo.

Maaha markii ugu horaysay ee Madaxweyne Gaas isku badalayo golahiisa xukuumadda, balse lama oga waxa tallaabadan kaga badalnaan doono kuwii hore.

Tan iyo markii Madaxweyne Gaas qabtay tallada Puntland 2014, waxaa hoos u dhac badan ku yimid shaqada hay'adaha dowladda, amniga iyo Kalsoonida shacabka, halka sare u kac baahsan soo wajahay musuq-maasuqa oo imminka maraya meeshii ugu saraysay.

Dhinaca kale, Madaxweyne Gaas ayaa ku fashilmay inuu wax ka qabto ballanqaadyadii uu sameeyay waqtigii uu ku jiray ololaha doorashada.

Marxaladda haatan marayso Puntland ayaa dadka la socda siyaasadda iyo nidaamyada dowliga ah sheegayaan inay tahay meeshii ugu xumayd abid.

Arrinta aad la isu-weydiinayo ayaa ah isbadalka la fili karo maadama madaxdii ugu sarraysay dalka shaqadoodu fadhiid noqotay, taasoo keentay inay shacabku lumiyaan kalsoonida ay ku qabaan xilli lagu jiro xaalad adag oo amni darro, sicir barar iyo abaaro isugu jira.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM