Madaxweyne Gaas oo lagula taliyey inuu ka guuro magaalo madaxda Puntland

Image
Image

BOSSASO, Puntland- Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey safaro dibada ah kaga maqnaa Puntland ayaa wararka warsidaha Garowe Online ka helayo ilo lagu kalsoon yahay waxaa ay  sheegayaan in lagula taliyey in muddada uga dhiman xilkiisa ku shaqeeyo magalaada Bossaso.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in  Gudoomiyaha Barlamanka Puntland  Axmed Cali Xaashi, Madaxweynaha Puntland taladaan siiyey isagoo xusey in mid lamid ah horey u siiyey dowladii uu Madaxweynaha ka ahaan jirey AHN Cadde Muse ayna shaqeysay.

Xogtaan ayaa sheegeysa in soo jeedinta Axmad Cali Xaashi uu diidey madaxweyne ku xigeenka Puntland iyadoo muddooyinkii dambe uu xumaa xiriirka shaqo ee u dhexeeya labada mas'uul ee ugu sareeya Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Barlamanka Puntland uu ku fasirey sababaha aan loogu shaqeyn karin magaalada Garowe  ay tahay madaama xildhibaanada golaha wakiilada intooda badan diidan yihiin xaalada Puntland ku sugan tahay waqtigan (Hostile Parliament) halka dhinaca kale hoos u dhac weyn ku yimid kalsoonida shacabka dagan magaalo madaxda Puntland ku qabaan xukuumada talada haysa sidaa darteed uu mucaaradku ku badan yahay.

Magalaada Bossaso oo ah xarunta ganacsi ee ugu weyn Puntland islamarkaana ku nool yihiin shacab badan ayaa wararku sheegayaan in madaxweyne Gaas loogu sheegey Iney sahlan in lagula tacaalo  mowjadaha siyasadeed ee waqtigaan ka jira Puntland.

Dhinaca kale magalaada Galkacayo oo 240km u jirta magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa waxaa ka taagan xaalad dhaqaale xumo, amni Daro taasoo sababtey in shacabka dagan dhumiyaan kalsoonida ay ku qabeen in dowlada Madaxweyne Gaas  xal u heli karto arimaha cakiran ee ka taagan magaalo madaxda gobolka Mudug.

Madaxweyne Gaas ayaa sida GO fahansan yahay  xafiis shaqo uu fariisto waxaa ugu dambeysay muddo ka badan Hal sano iyo bar ah iyadoo xogaha laga helo xusayaan in marka uu joogo Puntland shaqada ku qabto fadhiga aqalka uu ka dagan yahay xarunta madaxtooyada magaalo madaxda Garowe, Bosaso iyo aqalka uu ka dago magalooyinka Galkacayo iyo Qardho. 

Shaqada Guddoonka Barlamanka Puntland 

Guddoonka Barlamanka Puntland oo horey u curyaamiyey howlihii gudiyada joogtada ah ee aqalka wakiilada qaban jireen sida la xisabtanka hay'adaha dowlada ayaa bilaabey iney xogta xildhibinada u gudbiyaan Madaxweynaha Puntland  kuwasoo dhaafsanaya dano dhaqaale.

Warar aan ka helney Ilo kalsoon yahay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha ku xigeenka Kowaad ee Barlamanka Puntland Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaan dhowaan digniin ku saabsan guuxa siyasadeed ee ku jira xildhibanada u gudbiyey madaxweyne Gaas oo ku sugan wadanka Imaraadka Carabta. Madaxweynaha Puntland ayaa wararku sheegayaan in Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Barlamanka uu waydiiyey in wax laga qaban karo dhaqdhaqaaqa xildhibaanada iyo in kale isagoo markii dambe u sheegey in xalka kaliya ay leedahay ay yahay inuu magalaada Garowe isaga soo tago.

Wararka ayaa sheegaya in Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Barlamanka Puntland Cabdixamid Shiikh Cabdisalaan wadatashigaas kadib  madaxweyne Gaas ugu tagey wadanka Imaraadka Carabta oo waqtigaan ku sugan yahay.

Guddoonka Barlamanka Puntland iyo xubno ka tirsan xildhibaanada ayaa madaxweyne Gaas dhaqaale badan kaga qaata sidii looga hortagi lahaa mooshinada lagula xisaabtamayo xukuumada Puntland.

Xubnaha ka tirsan aqalka wakiilada Puntland oo madaxweyne Gaas ka caawina sidii lagaga hortagi mooshinada Barlamanka ayaa waxaa ka mid ah; Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Barlamanka Cabdixamid Shiikh Cabdisalaan, Gudoomiye ku xigeenka Labaad Xuseen Xaaji Yaasiin, Xildhibaan Saadiq Garaad, Xildhibaan Maxamad Farax Nuux ' ' 'Nuix Dheere' , Xildhibaan Maxamud Farax Warsame iyo kuwa kale.

Xubnahaan isugu jira Gudoonka Barlamanka iyo xildhibanada ayaa dadka la socda qaababka ay adeegsadaan waxaa warsidaha Garowe Online u sheegeen iney kamid tahay; Iney dhageystaan wakiilada aqalka kana mid noqdaan shirarka lagaga arinsanayo qaabab loo wajahayo arimaha taagan kadibna wargaliyaan Madaxweynaha Puntland iyo Gudoomiyaha Barlamanka kuwasoo lacag kaga qaata sidii lagaga hortagi kacdoonkaas siyaasadeed.

Guddiyada joogtaa ah ee Barlamanka Puntland  ayaa shirarkooda caadiga ah ee la xisaabtanka xukuumada waxaa curyaamiyey xubnaha madaxda ka ah guddiyadaas kuwasoo gacansaar la yeeshey xukuumada halka guddoonka Barlamanka kula gorgortamaan  madaxweyne Gaas mark ii dano gaar ah ka fushanayaan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli maqaal uu qorey July 28, 2007 kasoo dowladii markaas jirtey ku eedeynayey Musuqmasuq Inuu hareeyey halka aqalka wakiilada oo markaas uu Gudoomiye  ka ahaa Axmed Cali Xaashi dusha uga tuurey iney mas'uul ka yihiin dhibaatooyinkii jirey ayaa waxaa maanta dowladiisa ragaadiyey eedeymahaas uu jeediyey kuwo lamid ah Halkaan Ka Akhri

GAROWEONLINE 

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM