Camey iyo Axmed Cali Xashi oo eedeeyay dowladda Federaalka xilli ay u duulayaan Muqdishu

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay iyo Guddoomiyaha Barlamanka Puntland, Axmed Cali Xaashi, ayaa ka hadlay arrimo la xiriira doorashada Aqalka hoose gaar ahaan gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

Shir Jara'id oo galinkii dambe 01 December, 2016 ku qabteen xarunta madaxtooyada ayay ku sheegeen in dowladda Somalia majaro habaabisay arrimaha doorashada, waxayna go'aan loo baahnaa ku tilmaameen midkii lagu joojiyay soo xulista Aqalka hoose bishii hore dhammaadkeedii.

Inkastoo warar ay sheegayaan in Madaxweyne Gaas arrintaasi ka laabtay, hadana Shirka shalay, waxaa lagu sheegay in golayaasha kala duwan ee dowladdu u dhanyihiin tallaabadaas, waxayna ka digeen in dhowr qof afduubtaan masiirka umadda Somaliyeed, iyagoo si gaar ah u farmuuqay Guddoomiyaha waqtigu ka dhammaaday hadan ah Xildhibaan aan la dhaarin Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Cabdixakiim Cabdullaahi Camay iyo Axmed Cali Xaashi, ayaa sidoo kale tilmaamay in doorashada xubnaha kasoo jeeda gobollada muranku ka jiro, laga weeciyay nidaamkii lagu hishiiyay, waxayna kasoo horjeedsteen in lagu doorto magaalada Muqdishu iyadoo lagu tirinayo dhinaca Somaliland, waxayna taas badalkeeda xuseen inay ka mudantahay in Garowe lagusoo xulo.

"Marka ugu horaysa waxaanu u cadaynaynaa shacabka Puntland go'aankii ay qaadatay Dawladda Puntland inuu ahaa go'aan ay u dhanyihiin golaha sharci dejinta iyo golaha fulinta, waxaa taa keenaysa quwada iyo culayska siyaasadeed ee ay leedahay go'aamada aan waxba ka jirin ee laga wado dawladda fadaraalka, kuraastan Habraac waxa ay lahaayeen  Xeer iyo Heshiis lagu heshiiyay oo madashu kuwada heshiisay, wixii ka duwan marnaba sharci ma noqonayaan,Waxaad ka war haysaan Jawaari warqadii uu arrimahan ka qoray waa warqadii lixaad ee uu qoro oo aan sharci aheyn. Hal qof in uu ku tasarufo awooda madasha oo dhan ay wada leedahay waxaan u aragnaa inay tahay majarahabaabin iyo carqaladeyn iyo ragii aan rabin in dowladd federaal ah la helo in la taageeray, ugu danbayn waxaanu caydaynaynaa inaanay marnaba naga suuroobayn inaanu aqbalno sharci darada iyo majara habaabinta lagu wado masiirka ummada Soomaaliyeed," Ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Dawllada puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey
Afhayeenka Barlamanka Puntland, ayaa isna shirkaas jaraa'id ka yiri, "Waxaa lagu heshiiyey madasha qaranka heshiis dhamaystiran oo dhinacyo badan leh, waxaa dhacday in lamajara habaabiyey loona samaystay habraac aan sharci ahayn, waxaa sharci ah in lahelo waxii madashu ku heshiisey, waxaa aqalka sare ee gobolada waqooyi Soomaaliya loogu qaybiyey sicad oo waadixa, gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn waxaa looqoon deeyey sadex xubnood, sidii madasha lagaga heshiiyeyna lagu dooran donaah xubnahaasi Muqdisho, balsii hadii ay majara habaabiyey dad leh dana gaara waxaa sharci ah in lagu doorto Garoowe, Dawladda Puntland waxaa markasta ka go'an inay ka shaqeeyaan midnimada Soomaliya iyo isu keenida ummada Soomaliyeed sidaa awgeed waxaanu ka digaynaa wax kasta oo lid ku ah horumarka ummada Soomaaliyeed".

Tallaabadan ayaa soo baxday xilli la sheegayo in madaxweyne Gaas ka laabtay xanibaadda doorashada Aqalka hoose ee kasocotay magaalada Garowe, kadib markii ay xiriir yeesheen isaga, Cumar Cabdirashiid iyo Beesha Caalamka, iyagoo kawada xaajooday arrimaha markii hore keenay in la joojiyo oo wararku xusayaan inay  tahay bixin la'aan lacag dhan 2 Malyan oo dollara oo loogu talo galay in lagu socodsiiyo howlaha doorashada, taasoo beesha caalamku ku xirtay hadba sida uga soo baxaan maamul goboleedyadu qoondada dumarka oo ah 30%.

Waxaa jira tuhun ah inaysan madaxda ugu saraysa dowladda u dhaxayn wadashaqayn toos ah, gaar ahaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Arrimahan si toos ah ugama hadlin dowladda Federaalka Somalia iyo beesha caalamka, balse Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee Somalia, ayaa goor hore warbaahinta u sheegay in hakinta Puntland ee soo xulista Aqalka hoose la xiriirto arrimo siyaasadeed, islamarkaana aysan qabin walwal ku aadan inay saamayso arrimaha socday, wuxuuna intaas ku daray inuu socdo wadahadal u socda dhinacyada ay khusayso.

Dhanka kale, wararka soo gaaraya GO, ayaa sheegaya in labadaan mas'uul [Camay iyo Axmed Cali Xaashi], u duulayaan magaalada Muqdishu, halkaas oo ay u raadanayaan kursi kamid ah xubnaha lagu muransanyahay, waxaana dad badan is-weydiinayaan sababta ku kaliftay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM