​Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka hadlay qoraal uu saxiixay

Image

GAROWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa maanta soo gaaray magaalo madaxda Garowe, kadib safar qaatay ku dhawaad Bil oo ugu maqnaa magaalada Muqdishu Caasumadda Somalia.

Socdaalka Camay ee Xamar ayaa la xiriiray arrimaha Aqalka Sare ee Barlamanka Somalia iyo sidii xal looga gaari lahaa kuraasta ka imaanaysa gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

War-murtiyeed kasoo baxay shalay Madaxda madasha Qaran, ayaa lagu go'aamiyay in 18 xubnood oo dheeri ah lagu daro Aqalka Sare islamarkaana waxaa saddex xubnood la siiyay Puntland, taasoo uu qoondeeyay Madaxweyne Gaas oo labo kamid ah siiyay beelaha gobolladaas daga, halka Kursiga kale uu sheegay inuu siiyay Beesha Shanaad.

Soo noqoshada Camay ee magaalada Garowe, ayaa aad loo sugayay iyadoo uu jiro guux siyaasadeed iyo mid ay wadaan Barlamanka Puntland, taasoo ku aadan war-saxaafadeed cabasho ah oo mas'uulkaas [Camay] uu la gudbiyay Siyaasiyiinta beelaha kasoo jeeda Somaliland.

Arrinta is-weydiinta dhalisay ayaa ahayd habka uu qoraalkaas wax uga gudbiyay iyadoo ay weheliyeen Xildhibaano iyo wasiirro katirsan xukuumadda Puntland maadaama labada maamul aysan jirin calaaqaad iyo wax wada qaybi siyaasadeed oo ka dhaxeeya.

Qoraalkaas ayaa diiradda lagu saaray mowqifka beelaha Waqooyi [Somaliland] iyo sida loo duudsiiyay mudnaantooda.

Qorshihii Camay, ee  Muqdishu oo ahaa inuu kala hadlo hogaamiyaasha madasha inay kala cadeeyaan sumadda ay qaadanayaa Xubnahaas si loo ogaado inay yihiin Xildhibaano Puntland gobolladeeda lagasoo xulayo iyo inay ka imaanayaan dhinaca Somaliland, ayaa si kale fasiraad u bixiyay markii Sawirro la baahiyay  muujiyeen Madaxweyne ku-xigeenka oo qayb ka ah cabasho beelaha kasoo jeeda Somaliland ka muujiyeen habka dowladda dhexe  wax u maamulaysay tan iyo 1960-kii.

Camay arrimaahaas faah faahin kooban ka bixiyay qoraalkaas, wuxuuna sheegay inuusan saxiixin qoraal ka hor imaanaya dastuurka Puntland, isagoo dadkii arrintan faafiyay ku tilmaamay shakhsiyaad leh dano siyaasadeed.

Madaxweyne ku-xigeenka, ayaase xusay inuu saxiixay qoraal lagu difaacayo midnimada Ummadda Soomaaliyeed, ayna Puntland door weyn ku lahayd sidii beelaha Soomaaliyeed u heli lahaayeen xubno dheeraad ah kuwooda aan waxba helinin.

Waxaa la sugayaa go'aanka ay qaataan golaha Barlamanka Puntland oo muddooyinkii dambe lagu dhaliilayay inay gacan saar la yeesheen xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas.

Gaas, ayaa hadda wali ku sugan magaalada Muqdishu, waxaana warar hoose oo uu helay GO, sheegayaan inuusan usoo socon Puntland ee uu qorsheynayo safar kale oo dalka dibadiisa ah.

Puntland, ayaa ku jirta xaalad adag oo ay ugu daranyihiin abaar iyo amni darro kasoo cusboonaatay gobolka Bari gaar ahaan Bosaso halkaasoo maalin cad lagu laynayo mas'uuliyiinta dowladda cid wali wax ka qabatayna aysan jirin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM

Ciidamada Badda Puntland oo “ka hortagay” qorsheyaal abaabulan

Ciidanka ayaa si adag u dardargeliyey sugidda Amniga xeebaha Badweynta Hindiya ee Puntland.

  • Puntland

    15-04-2024

  • 05:29AM