​Mashruuc lagu ballaarinayo Biyaha Bosaso oo xariga laga jaray

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Bosaso ayaa maanta 18 September 2017 xariga ka jaray Mashruuc lagu ballaarinayo biyo galinta xarunta ganacsiga Puntland.

Mashruucan oo ay iska kaashanayaan hay'adda UNICEF iyo hay'adda Puntland u qaabilsan Tamarta, Biyaha iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee loo yaqaano PSAWEN, ayaa loogu talo galay in looga faa'iideeyo dadka ku nool deegaanada ku xeeran magaalada Bosaso iyo Qoysas barakacayaal ah oo tiradoodu gaarayso 1500 qof.

Xadhig jarka Mashruucaasi, waxaa madaxweynaha ku wehelinayay maamulka gobolka Bari iyo mas'uuliyiin kale.

Guddoomiyaha PSAWEN hay'adda Maxamed Salaad ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay hirgalinta barnaamijkan oo uu sheegay inuu wax ka badalayo baahida bulshada iyo caafimaadka intaba, isagoo ugu baaqay shacabka inay ka faa'iidaystaan qorshahan oo sida uu hadalka u dhigay dedaal dheer lagu bixiyay dhammaystirkiisa.

Madaxa hay'adda UNICEF ee Somalia Steven ayaa sheegay in mashruucan uu awood siin doono ku dhawaad 10 kun oo qof kuwaasoo ku nool gudaha magaalada Bosaso, waxaana uu intaas ku daray in hay'adda UNICEF ay mar kasta u taagantahay taageerada shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan kuwa Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa bogaadiyey hay'adda biyaha, tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah  ee PSAWEN, sida ay ugu shaqaynayso shacabkeeda, isagoo intaas ku daray in mashruucan uu taageeri doono dadka danyarta ah ee ku sugan magaalada Bosaso.

" Waan ku farax sanahay inaanu xadhiga ka jarno mashruuca biyo gelinta magaalada Boosaaso ee loogu danaynayo dadka masaakiinta ah iyo dadka danyarta ah, waa ku mahadsan tahay hay'adda PSAWEN shaqada ay qabatay" ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

"Waxaan kaloo u mahadnaqaynaa cidda kale ee ka qayb qaadatay ee hadda UNICEF ay ugu horayso oo uu nooyimid ninkii dalka u sareeyey, mashruucan furitaankiisana uu kasoo qayb-galay, runtii shaqo badan bay UNICEF nala qabtay oo ku saabsan xagga biyaha, waana ku mahadsan yihiin imaatinkooda iyo kasoo qayb-galkooda," Ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guddoonsiiyey Madaxa xafiiska UNICEF Puntland Mr. Steven Laurence shahaado sharaf, taasi oo u jeedadeedu ahayd hawl karnimada iyo shaqo wanaaga xafiiskiisa

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiinta kale ee ku wehelinayey xadhig jarka mashruucani ayaa soo kormeey kaydka biyaha mashruucani balaadhinta biyo gelinta magaalada Boosaaso, oo qaada 5,000 oo foosto (shankun oo Foost).

Barnaamijkan oo uu si rasmi ah u daah furay Madaxweyne Gaas ayaa loo arkaa mid wax ka badali doona baahida dhinaca biyaha ee magaalada Bosaso iyo yaraynta cudurada ka dhasha biyaha wasakhaysan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM