Maxaabiis Xabsiga Garowe laga sii daayay oo lasoo celiyay iyo Muxiyadiin oo la eedeeyay [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Taliska Saldhiga dhexe ee magaalada Garowe ayaa maanta mar kale xabsiga dhigay dhalinyaro dhawaan Jeelka laga sii dayay kadib markii la waayay cadaymo muujinaya kiiska lagu haysto, taasoo markii dambe dhalisay in shaqada laga joojiyo Taliyihii ciidamada Booliiska Puntland.

Dadka la sii dayay oo markii hore tiradoodu 12 qof oo qaybtood ahaayeen Arday wax ka barta Iskuullo ku yaalla Garowe, ayaa lagusoo bandhigay Taliska qaybta Garowe kadib markii dood laga keenay sii dayntooda, waxaana iminka lagu hayaa xabsiga.

Taliyaha Saldhiga dhexe ee magaalada Garowe, Dhamme Maxamuud Muuse Bile Fardafuul oo saxaafada kula hadlayay xafiiskiisa Garowe ayaa ka warbixiyey maxaabiistan oo uu sheegay inuu u keenay taliyaha la dagaallanka Argagixisada iyo Mukhaadaraadka Muxiyadiin Axmed Muuse 21 bishan kadib markii lagu eedeeyay inay gaysteen dhac.

Wuxuu qiray in 24-kii isla bishan dadkaas lagusii daayay amar ka yimid taliyaha qaybta gobolka Nugal. Taliyaha ayaa intaas ku daray in Saraakiil katirsan Garsoorka soo booqdeen xabsiga arrinta dadkana wax ka weydiiyeen balse ay u sheegeen inay u xiranyihiin Muxiyadiin.

Fardafuul ayaa carrabka ku dhuftay in Taliye Muxiyadiin uu keeni waayay cadaymaha kiiska dadkaas ay galeen.

Taliyaha Saldhiga dhexe ee Garowe oo ay hareer fadhiyeen Waalidiin iyo Taliyaha Qaybta Booliiska gobolka Nugal, ayaa carrabka ku dhuftay in la isu qabsaday sii daynta maxaabiistaas, balse ay maanta ku guulaysteen inay saldhiga kusoo celiyaan, isagoo dalbaday in la keeno cadaymaha dambiga dadkaan si cadaalad ay u helaan.

Fardafuul, ayaa dhinaca kale eedeeyay shaqada Taliye Muxiyadiin oo ku dhaliilay inuu haysto howl uusan shaqo ku lahayn, midii laga rabayna ay dayacntahay isagoo tilmaamay in magaalada Garowe buux dhaafiyay Khamri, taasina u baahantahay in wax laga qabto.

28 August, 2017 Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland, Cabdulqaadir Ereg oo ka hadlayay sababta ay ku timid xilka qaadistiisa ayaa sheegay inay la xariirto maxaabiistaas xabsiga laga sii dayay kuwaasoo isugu jiray Arday iyo kuwo qaba cudurka TB.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dhinaca taliye Muxiyadiin oo la xariirta kiiska uu dhalinyaradaas ku haysto iyo sidoo kale eedaynta la xariirta in magaalada Garowe Khamrigu kusoo batay.

Halkan ka Daawo Shir jaraa'id ee Taliye Fardafuul

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM